Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaallada Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa bahda gasroorka ugu baaqay inay si caddaalad ah u qaadaan kiisaska dacwadaha ah ee ay ka garnayaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaallada Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa bahda gasroorka ugu baaqay inay si caddaalad ah u qaadaan kiisaska dacwadaha ah ee ay ka garnayaan.

Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo hadal ka jeediyey kulan lagaga hadlay tayeynta garsoorka oo ay ka qaybgaleen guddoomiyeyaasha maxkamadaha kala duwan ee dalka Somaliland, waxa uu garsoorayaasha ku adkeeyey in aanay dhinac qudha u ciirin marka ay dacwadaha qaadaayaan.

“Anniga oo ku hadlaya afka Guddida Caddaaladda, waxaan leeyahay garsoorka waa ul iyo diirkeed, laakiin marka laga hadlayo maxkamadda ee shaqada la qabanayo waxay noqonaysaa xaakimkii kursiga fadhiyay iyo labadii dhinac. Labada kafadood marka aannu culays saarnayn way siman tahay oo badhtanka ayay taagan tahay, markaa waa inuu dhex ahaado xaakinku oo aannu dhinacna u ciirsanaan,” ayuu yidhi Yuusuf Ismaaciil Cali.

Waxa kaloo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare sheegay in ninka gasrooraha looga baahan yahay inuu miisaanka saaro dacwadaha labada dhinac ee uu u garnaqayo, waxaannu yidhi; “Dadka dacwoonaya nin waliba waxa uu soo bandhigo ee uu keensado hadday markhaatiyo tahay iyo hadday caddaymo tahay waa in xaakimku saaro miisaanka, kadibna waa inuu ujanjeedhsamaa dhinaca miisaanka weyn oo garsooruhu xukumaa.

Haddii kiiloo iyo nus-kiiloo miisaan la wada saaro shaki nagagama jiro in miisaanku u janjeedhsamayo dhinaca kiiloogu saaran yahay, markaa waxa la rabaa garsoore ayaad tahay ee ha iska ciirin, go’aan aanad si caddaalad ah u qaadina ha ridin.” f

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com