Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidan wata sideed gaadhi oo Tikniko ah isla markaana ka soo kala jeedey Maleeshiyooyinkii Khaatumo iyo Puntland ee laga qabsaday Taleex ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee Gobolka Sool.

Ciidan wata sideed gaadhi oo Tikniko ah isla markaana ka soo kala jeedey Maleeshiyooyinkii Khaatumo iyo Puntland ee laga qabsaday Taleex ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee Gobolka Sool.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa warkan u xaqiijiyey Waaheen, waxaanu sheegay inay dajiyeen meel gaar ah, isla markaana ay u diyaarinayaan qorshihii lagu qaramayn lahaa, maadaama ay kusoo biireen Ciidanka Qaranka Somaliland.

Sarkaalka warkan siiyey Waaheen waxa uu sheegay inay Ciidankani isku soo dhiibeen ciidanka qaranka kadib markii lagu jabiyey dagaalkii Taleex iyo Saax-dheer, isagoo sheegay inay mudadii ka danbays dagaalkaas wadahadal usocday sidii loo qaabili lahaa.

Dhinaca kale, Sarkaalkani waxa uu beeniyey war sheegayey inay Ciidamo kale oo ku sugan degmadda Dhahar oo Hargeysa wadahadal u joogaa inay ku soo biireen Ciidanka Qaranka, waxaanu sheegay inay kooxdaasi la wareegeen Ciidanka Puntland, kooxda sheeganaysa ee Hargeysa joogtaana aanay waxba ka ogayn.

Ciidankan ku sugan deegaanka Dhahar waxa la sheegayaa inuu lahaa nin ka tirsanaan jiray kooxihii Budhcad Badeeda ahaan jiray, isla markaana uu ku hubeeyey qaar ka tirsan Beeshiisa, kuwaas oo doonayey inay la soo galaan dhinaac Somaliland, balse sida ay wararku sheegayaan waxa imika la wareegay qaar ka tirsan Madaxda Puntland, kuwaas oo la wareegay.

Warar kale oo ku saabsan warka Hubka iyo Ciidanka jooga deegaanka Dhahar ayaa sheegaya inay maleeshiyo beeleedka Hubkaas haystaa isku khilaafsan yihiin dhinaca ay raacayaan, waxaana ka socda goobta ay degan yihiin loolan adag oo koox kastaa ku doonayso inuu u hirgalo damacooda ah halka ay ku biirayaan.

Si kasta ha ahaatee waxa muuqata in Maleeshiyaadka Khaatumo iyo Puntland awoodi kari la’yihiin inay soo weeraraan Somaliland, taasoo lagu macnaynayo inay awoodooda dhaqaale iyo ta Ciidanba hoos u dhacday kadib doorashadii Maamulkaasi ak dhacday ee lagaga Guulaystay C/raxmaan Farroole.

C/wali Gaas Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa la sheegayaa in uu madaxda Dalkaasi weydiistay taageero Milatari, hase yeeshee illaa hada lama oga jawaabta ay siiyeen.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa Dawladda Federalka Somaliya dhawaan ka caawiyey dhinaca Milatariga, isagoo siiyey gaaddiidka Ciidamadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com