Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ma aha shirkadda Dahab Shiil,mid loo nisbeeyo Qabiil iyo reer toona,isla markaana lagu xidhiidhiyo Xukuumada. Waa shakhsi ka madax bannaan oo aan wax xidhiidh ah ama lugba ku lahayn,.

Dahab shiil,wanaag mooyee weligii xumaan kumu talin,waa shakhsi daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisaba,isla markaana ka madax bannaan Siyaasadda oo aan wax shaqo ah ku lahayn

Shirkadda Dahabshiil waxay dhaqangelisay ganacsiga iyo abuuritaanka shaqooyinku iyo inay ilaalinayaan da’yarta ay haysato shaqo la’aanta baahsani.

Shirkadda Dahabshiil oo ah shirkadaha wadaniga ee lagu yaqaan arrimaha la xidhiidha lacagta la xawilo, mida ugu wayn ee ka shaqaysata dalalka dadka Afka Soomaaliga ku hadla iyo wadamo fara badan oo caalamka ka mida, isla markaana leh ganacsiyo kale, oo aanay ujeedadeedu noqon mid ku qotoma ka shaqayso oo ka faa’iid oo kaliya, waxayse hanti badan dib ugu celisaa ummaddeeda si ay horumar u gaadhaan.

Waxyaabaha shirkadda Dahabshiil kala qaybgasho bulshada oo ah qaar aan qorsoonayn ee ka dhex muuqda dalka waxay shirkadu ku bixisaa lacago fara badan oo aanay u eegin cid gaar ah iyo meel gaar ah toona, balse muhiimadooda ay siiso siday u kala mudan yihiin ee ay horumarka uga qayb qaadanayso iyo in ay baahida jirta wax ka tarto.

Mana aha shirkadda Dahab Shiilba,mid loo nisbeeyo Qabiil iyo reer toona,isla markaana lagu xidhiidhiyo Xukuumada. Waa shakhsi ka madax bannaan oo aan wax xidhiidh ah ama lugba ku lahayn,.

Dahab shiil,wanaag mooyee weligii xumaan kumu talin,waa shakhsi daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisaba,isla markaana ka madax bannaan Siyaasadda oo aan wax shaqo ah ku lahayn ,kuna eeg Ganacsigiisa iyo hawlaha u gaarka ah. Waana shakhsi ay u siman yihiin dadkiisu oo aan kala jeclayn Fiqiirka iyo Taajirkaba. Isla markaana qayb libaax ka qaatay dalkan Horumarkiisa,oo aan maanta laga been sheegi karayn horaysiyo dambaysoba. Waana shakhsi gudo iyo debadba ku leh Maamuus iyo Qadarin,ay u hayaan shicibweynaha reer S/ Land. Halkana laguma soo koobi karo wax qabadkiisa iyo waxtarkiisaba.

Haddaba,markaan u iftiimiyo shicibka,taariikhda iyo wax qabadka,Shirkada Xawaaladda Dahab Shiil,isla markaana is barbar dhigno halkay ka bilowday ama uu ka bilaabay Muwaadinka uu Ilaahay[sw] deeqda u siiyey magacan iyo halka ay maanta marayso,waa kaaf iyo kala dheeri .

Haddaba ,muxuu ku kasbaday ama uu halkan ku soo gaadhay maanta…. ? Jawaabta su`aashan Qallinku ma soo koobi karo,balse waxaynu ka soo qaadan doona,inta ugu muhiimsan ama qodobka ugu muhiimsan ee halkan soo gaadhsiiyey. Waxaana dulucda iyo dulmarkeeda soo koobaya qodobadan sida:- Adeega Hufan, Amaanada, Daacadda, Maamulka iyo Maaretnta Mustafaysan ee Aqoonta iyo Cilmiga koobsatay ee uu Illaahay [sw] ugu deeqay shakhsiga inta Illaahay [sw] ka sokaysa Mas`uulka ka ah ama Shirkadanba Aasaaskeeda iska leh.

faarax oo ka midda Oday dhaqameedyadda Somaliland oo sheegay kaalinta wayn ee ay shirkadda Dahab shiil group ku leedahay wadanka iyo sida ay heeganka ugu tahay caawinta ,taageerista dadkeeda danyarta ah waxa uu yidhi. “ waxa aan ugu baaqayna qaybaha kala duwan ee bulshada ganacsatada, shirkadaha, dadka degaanka , dadwaynaha ku dhaqan
magaalada hargaysa iyo dadyowga meelaha kale dagan inay ku daydaan shirkadda Dahab shiil ee muwaadinka ah ee meelkasta oo la joogaba ka qayb-qaadanaysa. Shirkadda dahab shiil aad iyo aad baanu ugu mahad naqaynaa, waanad tihiin horumuud

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com