Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Musharraxa Jagada Madaxweynaha Ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa hambalyo u diray shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee u dabbaaldegaya sannadguuradii 54aad ee ka soo wareegtay markii ay dhalatay dawladdii u horreysay ee reer Somaliland.

Musharraxa Jagada Madaxweynaha Ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa hambalyo u diray shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee u dabbaaldegaya sannadguuradii 54aad ee ka soo wareegtay markii ay dhalatay dawladdii u horreysay ee reer Somaliland.

jamaal-cali-xuseen-300×200

Waxaanu sidaas ku sheegay Muharrax Jamaal War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Xafiiskiisa, kaasoo u dhignaa sidan:- “Maanta oo ay tahay 26kii Juun, oo muddo afar iyo konton sanno ah laga joogo markii uu qarankani xornimadiisa ka qaatay dawladda Ingiriiska, waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacbiweynaha Somaliland ee xusaya dhacdadan taariikhiga ah meel kasta oo ay joogaan. Waxa aan Alle ka baryayaa in uu sannadkan sannadkiisa inagu gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo.

Waa maalin ku suntan qalbigeenna. Waa maalin aynu helnay waayo-aragnimo weyn, xorriyaddii aynu qaadannay xilligaasn waxa aynu haysannay afar cisho oo qudha. Waxa mahad leh Ilaahay oo inoo suurtogeliyay in aynu la soo noqonno madax-bannaanideenna 18kii Mey 1991kii kaddib markii aynu galnay halgan iyo dedaal mug leh. Maantana waxa aynu nahay qaran buuxiyay dhammaan shuruudihii dawladnimo, waxa uu xil inaga wada saaran yahay in aynu si xilkas ah uga wada shaqaynno masuuliyadda guud ee inaga saaran horumarinta iyo hore-u-socodka waddankeenna.

Ugu dambayntii waxa aan shacbiga Somaliland si kal iyo laab ugu dirayaa bariido gacaltooyo, waxa aan leeyahay aynu dhexda u xidhanno geeddi dheer oo aynu ku xaqiijinno hadafka iyo yoolka uu qarankani u taagan yahay.

Siciid Maxamuud Gahayr

Laanta Warbaahinta ee Akadamiga Cilmi-baadhista iyo Waxbarashada

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com