Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Oo Cadeeyay In Aan Meelna Laga Arag Bisha Ramadaan

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa cadeeyay in aanay caawa ahayn Ramadaan, balse la dhamaystiri doono 30-ka bisha Shabcaan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo warbaahinta ugu waramayay Masjidka Cali Mataan ee Magaaladda Hargeysa ayaa yidhi

Ugu horeyn waxa aan halkan ka salaamayaa dhamaanba shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

Waxa aynu naawilaynay oo aynu raadinaynay bisha Bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Hadaba Meel laga arkay bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ma jirto, sidoo kale dunida Muslimka ayaanay ilaa iminka jirin meel laga soo sheegay ama laga arkay.

Hadaba bisha Shabcaan waa 29 waxaanan dhamaystiri doonaa hWasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Oo Cadeeyay In Aan Meelna Laga Arag Bisha Ramadaan 30-kii bisha Shabcaan” ayuu yidhiWasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Oo Cadeeyay In Aan Meelna Laga Arag Bisha Ramadaan –
XUSEEN X
0634052413

.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com