Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xalay: Xuskii 54-guurada 26 June ee Madaxtooyada Hargeysa & Wacdarihii Xiddigaha Geeska

Xuska 54-guurada ka soo wareegtay markii calankii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelato laga qotomiyey magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland 1960-kii 26-kii June oo ku buuxday habeen-hore oo ay ahayd 26 June 2014, ayaa xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Somaliland ayaa 26 June 1960-kii Xornimada ka qaadatay Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska, markaasoo calankii ugu horreeyey ee Ummad Soomaaliiyeed hesho ay Somaliland, isla markaana laga taagay magaalada Hargeysa, waxaana Xafladda xalay lagu qabtay Madaxtooyada ka qaybgalay Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Marwooyinkooda.

Waxaa kale oo ka qaybgalay Masuuliyiinta Golayaasha Qaranka ee Baarlamaanka, Golaha Wasiirrada, Axsaabta Siyaasadda, Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale, Madax-dhaqameed iyo dadweyne tiro badan oo Rag iyo Haween, Waayeel iyo Dhalinyaro isugu jira, iyo weliba Fannaaniinta Kooxda Xiddigaha Geeska oo iyagu halkaas wacdaro ka muujiyey xalay, kuna soo bandhigay Heeso lulay dadkii Munaasibaddaas ka qaybgalay

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com