Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Maxamed Caydiid (Solteco) ayaa Maanta ka Qaybgalay Xaflad balaadhan oo shirkada ALMIS ay kula wareegaysay shaqada qashin ururinta ee Degmada 26-Juune ee Magaalada Hargeysa

Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Maxamed Caydiid (Solteco) ayaa Maanta ka Qaybgalay Xaflad balaadhan oo shirkada ALMIS ay kula wareegaysay shaqada qashin ururinta ee Degmada 26-Juune ee Magaalada Hargeysa.
Maanta-Face-book-background
Munaasibadaasi oo lagu qabtay Hotel Guuled ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qaybgalay Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Solteco, Agaasimaha Guud ee Wasaarada warfaafinta Maxamed Ilkacase, Maareeyaha Telefeshinka Qaranka Khadar Cali Gaas, Yuusuf Axmed Cali oo ku hadlayey Afka Shirkada ALMIS, Sheekh Almis Sheekh Yaxye, Xildhibaano, Salaadiin iyo Marti sharaf kale oo badan.

Agaasime waxeedka arrimaha Bulshada ee dawlada Hoose Khadar Yuusuf Cali oo ugu horeyn ka hadlay munaasibadaasi ayaa ku dheeraday hanaankii shirkada ALMIS ay u heshay shaqada qashin ururinta degmada 26-Juune, waxanu tilmaamay in shirkadu ku guuleystay in dhammaan Baabuurtii qashinka lagu gurayey oo casri ah ay dalka keento, isaga oo tilmaamay in Maalinta Barriba ay hawsha qashin ururinta ah ay galidoonto.

Yuusuf Axmed Cali oo ku hadlayey Afka Shirkada ALMIS ayaa ku dheeraday hawlaha kala duwan ee horyaala ee ay qabandoonan, waxanu tilmaamay in madama degmadu tahay degmo balaadhan ay ugu tallo galeen in guud ahaan qashinka ka ururinyaan oo aan waxa qashin ah degmada lagu arag . waxa kale oo uu tilmaamay in ay keenen qalabkii iyo baabuurtii gurayey qashinka oo uu xusay in ay yihiin qaar dhammaantood cusub, isaga oo hoosta ka xariiqay in shaqada loo diray sideeda uga soo bixidoonan.

Xildhibaan Xassan Shahar iyo Xildhiban Timmo cade oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha deeganka Caasimada Hargeysa oo iyaguna hadalo ka jeediyey Munaasibadaasi ayaa hoosta ka xariiqay in shirkadani dabolidoonto baahidii qashin ururinta, waxayna shirkada Almis kula dardaarmeen in shaqada loodiray ee qashin ururinta ay ka soo baxan.

Xildhiban Cabdi Cali yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deeganka Caasiamda Hargeysa oo isaguna ka hadlay Madashaasi ayaa Tilmaamay in shirkada looga bahan yahay in sida ugu fiican ay Degmada uga hawlgasho oo qashinka uga guurto, isaga oo xusay in dawlada hoose arkayso qalabka iyo Gaadiidka cusub ee shirkadu la timid in ay yihiin qaar qashinka ka dhameyn kara degmada 26 Juun oo uu sheegay in ay tahay degmada ugu dadka baddan Degmooyinka Hargeysa.

Sheekh Almis Sheekh yaxye iyo Xildhibaan Cartan oo ka tirsan Golaha wakiilada oo iyaguna hadalo ka jeediyey Munaasibadasi ayaa ku dheeraday muhiimada ay leedahay in qashinka layska nadiifiyo, iyaga oo hoosta ka xariiqay in qashinku yahay Cudur, waxa kale oo ay shirkada ku dardaaren in hawsha loo igmaday sideeda uga soo baxdo.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Maxamed Cilmi Ilkacase oo isaguna halakasi ka hadlay ayaa aad u amaanay Shirkada ALMIS ee qashinka ka ururinaysa degmada 26 Juun waxanu tilmaamay in shirkadu ay u babacdhigto hawsha laxaadka kale ee loo xilsaaray.

Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Solteco oo Gabogabadii hadal ka Jeediyey Munaasibadasi ayaa sheegay in sababta dawlada Hoose Shirkadaha gaarka loo leeyahay ay u siisay in qashinka ay guran, waa mid maamul daadajin ah, si dadweynihii hawshii ay uga qaybqaatan, marka Almis waxay ka mid tahay dadweynaha 26 Juun, waxa kale oo uu Maayirku sheegay in shirkadani qalabkii qashinka lagu gurayey ay soo diyaarsatay, waxanu shirkada ka codsay in hawsha sida ugu fiican ay u qabtaan oo degmada qashinka ka ururiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com