Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Reer Somaliland Hambalyo Ku Beegan Bisha Ramadaan U Diray

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Reer Somaliland Hambalyo Ku Beegan Bisha Ramadaan U Diray

Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meelkastoy Joogaan Dalka Guddihiisa & Dibediisaba, Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, waxaanu ugu Bushaaraynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa oo ay taariikhda Miilaadiga ahi tahay 28/06/2014, halka ay taariikhda Hijiriyada Islaamkuna ka tahay 01/09/1435,

Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u Dirayaa Madaxweynuhu Shucuubta islaamka ee Caalamka ku nool guud ahaanba.

Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay ramadaan

ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu janatu fardawsa ka waraabiyo.

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com