Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumada Somaliland ayaa maanta sid adag uga jawaabtay eedaymo uu Eng:Maxamed Xaashi Cilmi u soo jeediyey Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Afhayeen Aqalka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul

Xukuumada Somaliland ayaa maanta sid adag uga jawaabtay eedaymo uu Eng:Maxamed Xaashi Cilmi u soo jeediyey Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland,kaasi oo uu ku sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu lumiyey Sharaftii SNM iyo Sharaftiisaba,iyo sida oo kale in uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland in uu yahay raysal Wasaare aan magacaabnayn oo u dhaqmaaaya sidii oo uu yahay Raysal Wasaare.

Afhayeen Aqalka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay aqalka Madaxtooyada uu ka hadlay eedaymahaas uu Eng:Maxamed Xaashi Cilmi u soo jeediyey Siilaanyo Iyo Wasiir Xirsi.

“Madaxweynuhu Sharftiisa iyo tii SNM-ba kor buu uqaadee waxa lumiyey ka maalin walba Cay umada la dhex fadhiya waa tacabkaagii Maxamed Xaashoow waxaan kaa haynaa,waa tacabkaagii waxa agu leeyahay waar daa Siilaanyo waa hogaamiye ay umadani Soo dooratay waxii ay ka filayeen u qabtay Wax ka badana u qabtay Sharfweyna Somaliland u soo hooyey qiimuu ku leeyahay Sharaf baa uu ku leeyahay ilaa markii uu SNM-ta hogaaminaayey sharafbaa uu ku lahaa ilaa markii uu mucaaradka uu hogaaminaayey sharafbaa uu ku lahaa maanta oo uu Madaxweyne yahayna dalkiisa iyo dadkiisuba sharafbay ugu hayaan,wax qabad muuqda oo muddo afar sanadood ah lagu qabteen ayuu Madaxweyne Siilaanyo qabtay in aad ku hambalyeysay ahayd haduu Xataa Xilka uu kuu garan waayey in aad ku barbar istaagto ayaa ay ahayd waayo in aad u garato in tacabkii ku soo galay waxii uu kaa soo galay in uu waxani uu yahay Siilaanyo kuu dhisaayo ee uu ku hogaaminaayo Umadan waa tacabka iyo dhismihiisa kaad adigu Burburinayso weeyaan”Ayuu yidhi Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Somaliland.

Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi:”waxa uu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi oo Warbaahinta ku soo baxday waxaa jira raysal Wasaare aan Muuqan,dalkeena qaabka uu leeyahay ee uu Dastuurku uu Cadeeyey wax raysal wasare ah oo meel uu ku jiro iyo meel uu leeyahay toona ma jiraan”.

Gabagabadii waxaa uu afhayeenka Madaxtooyadu uu ka hadlay warar ay warbaahinta qaarkood ay qortay ku waasi oo ku salaysnaa ka qaybid galid la’aanta Axsaabta Mucaaridka dalka,Munaasibadii lagu Xusaayey sanad guuradii 54-aad ee 26-June oo anaay ka soo qayb galin hogaamiyaasha Mucaaridku,Waxaana uu sheegay in iyagu ka Madaxtooyo ahaan ay u gudbiyeen dalabkii ama kaadhii Martiqaadka balse ay iyaga u taalo in ay ka soo qayb galaan iyo inkale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com