Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Abwaankii,Fannaankii Iyo Jilaagii Cabdilaahi Diiriye Sooraan Oo Fankii ka Baxay,Ummadda Soomaaliyeed-na Ka Codsaday Inaanay

Abwaanka weyn ee Cabdillaahi Diiriye Sooraan,sidoo kalena ahaa Fanaan Caan ah,oo aad looga yaqaanno dhulka Soomaalidu degto,ayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogto waxa uu ka codsaday in aanay dhagaysan Heesihii uu qaadi jiray iyo Riwaayadihii uu sameeyay midna. Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo imika ku nool Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa intaa ku daray inuu soo gabagabeeyay badweyntii Fanka iyo Suugaanta oo uu muddo ka badan 40 sano ku soo dhex jiray.

Cabdilaahi Diiriye sooraan oo ahaa Abwaan sameeya Riwaayadaha isla markasna ahaa heesaa iyo Majaajilayste, Masrixiyadiisuna aad u fiicnayd, waxa uu sameeyay riwaayado door ah iyo sidoo kale heeso badan oo uu isagu curiyay, isla markaana qaar badan oo ka mid ah uu Sooraan laftiisu ku luuqeeyay.

Hase ahaatee,Cabdillaahi Diiriye Sooraan,oo muddooyinkii u dambeeyay u jeestay dhinaca Diinta,kana guuray Fankii lagu yaqaanay,ayaa waxa uu sheegay in uu hadda ka baxay Fankii , isla markaasna uu ku badalay Cibaado iyo Allaah ka cabsi,waxaana ummadda ka codsaday in aan la dhagaysn Suugaantiisii.

“Anigoo ah Abdilllaahi Diiriye Sooraan, waxaan marka hore halkan ka salaamayaa dhamaan dadweynaha soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba, waxaan ilaahay uga baryayaa in dhibaatooyinka haysta ka saaro .Intaa ka dib sida aad wada ogsoontihiin waxaan ka shaqayn jiray shaqo aan ku munaasib ahayn shareecada islaamka taa oo ahayd shar ,sida Heesaha,Ruwayadaha, Majaajilada IWM.arrintaa iyada ah waan ka baxay imika ilaahaybaanana dambidhaaf ka weydiistay wixii hore iiga baxay.” Sidaa ayuu yidhi Sooraan oo Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.com u soo gudbiyay qoraal uu ku codsanayo inaan la dhagaysan ama la daawan Suugaantii iyo Riwaayadihii uu hore u sameeyay,u jilay ama u qaaday.

Qoraalkan uu Mr.Cabdillaahi Diiriye Sooraan soo gaadhsiiyay Hadhwanaagnews.com,waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi,“Waxaan ogaysiinayaa kana codsanayaa idaacadaha,TVyada, Websiyada,Joornaalada iyo dhamaan warbaahinta guud ahaan in laga saaro liiska albanadaydii sharka ahaa ee hore loo duubay,raalina kama ihi in la dhagaysto ama la daawado,waxaanan u soo jeedinayaa in layskaga fogaado dhaysiga musiga,heesaha IWM.”

Cabdillaahi Diiriye Sooraan oo hore u ahaan jiray Abwaan ka mid ah Abwaannada Soomeeliyeed,Fanaan Heesaha qaada,Jilaa Masrixiyad fiican,ayaa hadda guud ahaanba ka diga-rogtay Fankii iyo Sugaantii,isla markaana waxa uu u guuray dhinaca noolaynta Diinta Islaamka, Allaah ka cabsiga iyo Cibaadaysiga, waxaanu wakhtigan ka Adimaa mid ka mid ah Masaajiddada Magaaladda Hargeysa.

Sooraan maaha Fanaankii ugu horeeyay ee ka baxa Fanka,hase ahaatee,waxa ka horeeyay Fanaaniin Soomaaliyeed oo rag iyo dumar-ba isugu jira,oo ka baxay Badweyntii Fanka iyo Sugaanta,kuwaas oo aynu ka xusu karno Fannaankii weynaa ee la odhan jiray Sulfa,Fannaanada la odhan jiray Haldhaa iyo kuwo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com