Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan golaha deegaanka Burco iyo La-taliyaha arrimaha bulshada ee madaxweynaha Barkhad Jaamac Xirsi ayaa kulan la yeeshay masuulka ugu sareeya magaalada Birmingham, kulankaas oo lagu qabtay xarunta City Council Victoria.

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan golaha deegaanka Burco iyo La-taliyaha arrimaha bulshada ee madaxweynaha Barkhad Jaamac Xirsi ayaa kulan la yeeshay masuulka ugu sareeya magaalada Birmingham, kulankaas oo lagu qabtay xarunta City Council Victoria.

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi ayaa kulankaas ka sheegay in Somaliland ay tahay dal in ka badan 23 sanno ku soo caano-maashay nabad-gelyo, isla markana ka soo baxday shuruudihii calaamku uga baahnaa, iyadoo hadda la soo gaadhay waqtigii calaamka ay ka heli lahaayeen ictiraaf buuxa oo dublamaasiyadeed.

Guddoomiyaha Birmingham Sir alberto oo ka hadlay kulanka uu la yeeshay xildhibaan Mubaarik, La-taliyaha iyo jaalliyada reer Somaliland ee Birmingham waxa uu yidhi, “Waxa halkan la igu siiyay cashar aad u cajaa’ib badan oo ku saabsan Somaliland, .casharkaas oo iga jaahil bixiyay wax badan aanan hore u arag, waa wax lagu farxo, laguna faano in Somaliland 20 sano iyo dheeraad samaysay wax fiican doorashooyin xor ahi ay ka dhaceen, isla markaana qariib ku ah juquraafi ahaan halkay caalamka kaga taallo.”

Sir Albert oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray,.”Arrinta nala soo hor dhigay ee ku taxaluqda ictiraafka Somaliland waa mid aad u culus,.marka la eego waxay qabsatay, haddaanu nahay golaha looga taliyo Birmingham arrintaas waanu eegaynaa kana fikiraynaa.”

Waxa kale oo goob-joog ka ahaa jaalliyada Somaliland ee Birmingham iyo xubnaha ururka Dery Foundation, waxaanay u mahad-naqeen Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo isagu Birmingham intuu joogay sameeyay dedaal badan, isla markaana ka shaqeeyay qaddiyada ictiraaf raadinta. Sidoo kale waxay xubnaha ururka Dery Foundation usoo jeediyeen dhammaan jaalliyada Birmingham inay ka wada shaqeeyaan qaddiyada Somaliland iyo sidii ay u heli lahayd aqoonsi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com