Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Fadeexad ayaa ka dhalatay fara-kahadal ama dagaal gacan-ka-hadal ah oo dhex-maray Masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland, ka dib markii ay isku dhexeen xubno xilal haya oo markii dambe dagaalkoodu sababay in gacan laga jebiyo mid ka mid ah.

Fadeexad ayaa ka dhalatay fara-kahadal ama dagaal gacan-ka-hadal ah oo dhex-maray Masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland, ka dib markii ay isku dhexeen xubno xilal haya oo markii dambe dagaalkoodu sababay in gacan laga jebiyo mid ka mid ah.

Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha gobolka Selal Cabdiqaadir Aadan Yuusuf, ayaa isaga oo magaalada Saylac ku sugan Isniintii shalay lagu weeraray gurigiisa sida uu Warbaahinta u sheegay, waxaanu xusay inay gurigiisa ugu yimaadeen Maamulaha Kastamka Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Saylac iyo Shaqaale Kastamka ka hawlgala oo isaga hoos-taga.

Hase-yeeshee, waxa marka hore sababay dagaalkaas wax faahfaahin ah kama bixin Badhasaab Ku-xigeenka gobolka Selal, balse waxa uu baaq u diray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo uu u soo jeediyey inuu dad xil-kas ah oo Masuuliyadda loo dhibayo u qalma inuu u soo magacaabo Xafiisyada Cashuuraha ee Maaliyadda hoos-tega ee gobolka Saelal, isagoo intaa ku daray in hawshaas Ciidanka Boolisku gacanta ku hayo wakhtigan.

Halkan hoose ka daawo Badhasaab Ku-xigeenka gobolka Selel Cabdiqaadir Aadan Yuusuf oo ka warbixinaya sida ay wax u dhaceen iyo heerka dhaawacyo uu sheegay inuu qabo oo Gacantu ka mid taha

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com