Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

30 Qof Oo Tahriibayaal Ah Oo Ku Dhintay Doon Maraysay Biyaha Talyaaniga Iyo Kuwo Kale Oo Badan Oo La Soo Badbaadiyay

Soddon qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay dooni nooca kaluumaysiga ah oo ay saarnaayeen Lix Boqol oo qof oo maraysay xeebta Jaziiradda Sicily oo ku taalla koonfur galbeed ee dalka Talyaaniga.

Ciidamada Badda ee illaalada xeebaha ee dalka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday meydadka dadkan ku dhintay doontani ay neef qabatoobeen.

Warkan oo ay faafisay wakaaladda wararka ee dalka Talyaaniga ayaa lagu xusay in cidamadda Illaalida xeebaha ee dalka Talyaanigu ay badda ka soo badbaadiyeen 48-kii saacadood ee u danbeeyay tahriibayaal tiradooda lagu qiyaasay Shan Kun oo qof oo Muhaajiriin ah.halka todobaadkii u danbeeyay ay soo badbaadiyeen Lixdan Kun oo muhaajhiriin ah oo ka yimi xeebaha dalalka waqooyiga Afruka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com