Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Deegaanka Gabiley Oo Dacwada Maaayarka iyo Musuqmaasuqa dhacey Ugudbiyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Kadib Markii Wasiiradii Gobolku Qeyb Ka Noqdeen Cabashadooda

-Liiska ay ku qoran yihiin afar iyo toban Xildhibaan oo katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, islamarkaana ay ku sexeexan magacyadoodu, ayaa loo gudbiyay maanta Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan kadib markii Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Muxumed Samaale iyo Wasiirada kasoo jeeda Gobolku qeyb ka noqdeen in ay is hortaageen kalsoonida ayb kala noqdeen Maayarka.

Xildhibaano katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, ayaa sida la sheegay ugudbiyay dacawada ka dhanka ah maayarkooda, musuqmaasuqa ka dhacey Degmada Gabiley, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland kadib markii ay ka caalwaayeen Wasiirka Daakhiliga Cali/waranacde waxyaabaha ay ku eedaynayaan Maayarkooda, iyo cabashada ay wakhtigan u hayaan Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, maadaana uu

hoosta dhigay dacwadihii Goluhu u gudbiyay Gudiyadii Wasaarada ka socdey ee dhex galey Xisaabxidhkii Misaaniyada Degmada ee sanadkii 2013ka iyo sanadkan 2014ka oo aan ilaa iyo hada loo gudbinin Wasaarada,islamarkaana, la sameynin wax xisaabxidh ah taas oo ay u dheer tahey dacwada ku socota xiligan Cagaftii sheewalka aheyd ee loo iibiyay Degmada,iyo Gaadiid kale oo amaah ku ah wakhtigan Degmada islamarkaana, lagu darey miisaaniyadihii la hor keenay Golaha Deegaanka balse, aan la bixinin, waxa kale oo dacwadan ay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, ay ugudbiyeen Waiirka Madaxtooyada Somaliland lagu xusey, in ay la amaakaag san yihiin labadii xubnood ee haweenka ahaa ee katirsanaa Xubnaha Golaha Deegaaka Degmada Gabiley sida uu Wasiirka Maaliyadu isugu qaawiyay difaaca Maayarkooda ay markii hore doorteen imikana ay kalsoonida kala noqonayaan iyagoo, aan garaneyn waxa ugu jira Wasiirka.
Waxa kale oo nuxurka dacwadan ay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley u gudbiyeen Wasiirka Madaxtooyada lagu xusey, inay layaaban yihiin dhameystir la,aanta 2km ee ka dhiman Jidka u dhexeeya Tog-Wajaale iyo Kalabeydh,. taas oo ay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ku dhaliileen in ay qeyb ka yihiin Wasiirada kasoo jeeda Gobolka Gabiley, oo ku guuldareystey dhismahaasi islamarkaana, guryo ka dhistey lacagihii loogu talagaley.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com