Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkad Sahamin Shidaal ka wadda deegaannada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ka hadashay halis Qaramada Midoobay kaga digeen Ciidammada ilaalinta Sahaminta Shidaalka kala shaqeeya Maamulkaas iyo Abuuritaanka Ciidanka ilaalinta Sahaminta Shidaalka ee Jamhuuriyadda Somaliland

Stockhol)Somaliland_territory-300x160Shirkad Sahamin Shidaal ka wadda deegaannada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ka hadashay halis Qaramada Midoobay kaga digeen Ciidammada ilaalinta Sahaminta Shidaalka kala shaqeeya Maamulkaas iyo Abuuritaanka Ciidanka ilaalinta Sahaminta Shidaalka ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay Shirkaddu Warbixintaas ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo aan sax ahayn.

Somaliland_territory

Guddiga ilaalinta Cuna-qabataynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eretria oo 27 bishii hore Warbixin digniin ah ka soo saaray abuuritaanka Ciidammo loogu talo-galay ilaalinta Sahaminta Shidaalka Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ayey Shirkadda Africa Oil sheegtay inay khaldan tahay warbixintaasi, isla markaana jebinayn cuna-qabataynta Hubka ee saaran Soomaaliya Ciidanka kala shaqeeya Sahaminta Shidaalka ay wadaan.

Warbixinta Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in Block Nugaal 1 oo Shirkadda laga leeyahay dalka Norway ee DNO Somaliland heshiis Sahamin kula gashay. Dhinaca kale Shirkad lagu magacaabo Africa Oil heshiis Sahamin kula galeen Maamul-goboleedka Puntland xaalkiisu adag yahay, Wakiillada Qaramada Midoobay ku adag tahay inay booqasho ku tagaan.

Shirkadda Africa Oil oo Wargeyska Aftonbladet ee ka soo baxa magaalada Stockholm ee dalka Sweden, isku deyey inuu Wareysi kala yeesho shalay, ayaa ka gaabsaday, balse Guddoomiyaha Shirkaddaa Keith Hill ayaa jawaab qoraal ah u soo diray Wargeyska.

Mr. Hill Guddoomiyaha Africa Oil, ayaa jawaabtiisa ku yidhi: “Qaramada Midoobay War-bixinteedu waa khalad, waxaan u caddeynaynaa Qaramada Midoobay sidaan uga soo horjeedno si muuqata. Marnaba maannu samayn tallaabo aannu ku jebinay shuruucda cuna-qabataynta Qaramada Midoobay. Isticmaalkayaga Ciidammada Puntlandregeringens wuxuu waafaqsan yahay hawlaha Urrurada caalamiga ah, sidoo kalena Xukuumadaha ayaa ku tiirsan sugitaanka ammaanka rasmiga ah.”

Bishii August ee sannadkii 2011, Shirkada Sahaminta Shidaalka Maamul-goboleedka Puntland, ayaa u soo kiraystay Shirkad ammaanka ilaalisa oo Koonfur Afrika laga leeyahay Pathfinder arrimaha ammaanka iyo saadaalinta halista.

Shaqaalaha Pathfinder oo kaashanaya Saraakiisha ammaanka Puntland oo Masuul ka ah arrimaha nabadgelyada ayey shaqadaasi sharci-darro tahay, isla markaana jebinaysaa shuruucdii cuna-qabataynta hubka

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com