Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleeban (Ramaax), ayaa lacag dhan $1000 (kun dollar) guddoonsiiyay Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo ka mid ah Guddida Dhismaha Wadada Ceerigaabo.

Deeq
Badhasaabka Gobolka Sanaag Md; Maxamuud Cali Saleebaan ayaa sheegay in lacagtan uu wadada ugu deeqay Suldaanka Guud ee Beelaha Ciise Muuse Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin, waxaanu tilmaamay in aanay ahayn deeqii ugu horeysay balse ay tahay deeqdii saddexaad ee suldaan kooshin. Waxaanu gudoomiyaha gobolka Sanaag ugu baaqaday madax dhaqameedka dalka inay ka qayb galaan qaadhaan loo ururinayo dismaha wadada Ceerigaabo taas oo tilmaamay in muhiimad weyn ugu fadhida Somaliland. Waxaana hadalkii ku bilaabay isagoo arrimahaas ka hadlayay,waxa uu yidhi “Maaha deeqdii u horraysay ee Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin bixiyay, waa deeqdii saddexaad, waxaan u soo jeedinayaa sallaadiinta kalena inay ka qaybgalaan taakullada Dhismaha Wadada Ceerigaabo oo muhiimad weyn ugu fadhida Somaliland oo dhan.”
Gudoomiyaha gobolka Sanaag Md; Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax), waxaa ku bogaadiyay deeqda lacagtanuu wadada ugu deeqay Suldaanka Guud ee Beelaha Ciise Muuse Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin, waxaa shacabkareer Somaliland ee ku dhaqan gudaha dalka iyo debada ugu baaqay inay ka aayb qaataan qaadhanka dhismaha wadada Ceerigaabo oo dhismaheed gacanta lagu hayo.oo uu socdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com