Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayarka dagamda Salaxlay ayaa masuuliyada soo noqnqoshada muranka dhuleed ee u dhaxeeya golayaasha deegaanka ee Hargeysa Iyo Salaxley ku eedeeyey Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland in ay ka gaabisay fulinta shuruucda kala xadaysa dhulka taasi oo sal u ah khilaafka dhuleed ee ka taagan ladan gole deegaan

dhul.

Maayirka oo shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ka dib shir soo dhici soo bay oo wasiir waran cadde uu doonayey in uu isku hor fadhiisiyo,Xildhibaanada labada gole deegaan ayaa uu maayarku uu ku eedeeyey in Xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeysi ay doonayaan in ay boob ka gaystaan meelo ka mid ah Gudaha Xuduuda Salaxlay.

“Waa muran dhinaca dhulka ah oo runtii Golaha deegaanka ah ee Hargeysa ay xad gudub wayn ay ku soo sameeyeen Gudaha dagmada Salaxlay,sida la wada ogyahayna dagmooyinka dalku makala xadaysna intooda badani balse Bali gubadleh iyo dagmada Salaxlay waxaa ay leeyihiin Xuduudo,Nasiib darro se Wasaarada Arrimaha gudaha oo iyadu lahayd baadhista sharcigaas ama kudhaqan galinta shacigaas ayaa imika kow ka ah muranka sii socda iyo dhibaatada meesha ka dhacdayba mid kale imika oo ana ka soo baxay Xafisa wasiirka ayaa sidii jabhadihii hore oo kale ay ayaa ay golaha deegaanka ee Hareysa ay ku soo ururiyeen dad Suuqa oo ay Xafiiska wasiirka ay doonayeen in ay dhexdiisa ay ku mudaharaadaan oo ay ku qayliyaan waxaana aan hada uga soo baxay waxa weeye hab dhaqan Xumadii ay meesha ka wadeen”Ayuu yidhi Maayirka Dagmada Salaxlay

Shalay ayaa ay ahayd markii ay mar labaad Golayaasha deegaanka ee Hargeysa Iyo salaxlay ay iska hor imaad ku dhex maray dhul ay sheegteen Xildhibaanada Golaha deegaaka Salaxlay in uu yahay dhul ka tirsan Xuduuda ay maamulaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com