Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Diyaarad Qaad u soo siday Soomaaliya ayaa saakay ku burburtay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Niarobi, iyadoo ay ku dhinteen afar qof oo shaqaalihii diyaaradda ahaa.

Security personnel secure scene where a cargo plane crashed into a commercial building at Utawala estate on outskirts of Kenya's capital Nairobi

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku dhacday dhisme ku yaalla garoonka wax yar kaddib markii ay duushay garoonka, taasoo keentay inay burburto, iyadoo aysan jirin cid kale oo waxyeello kasoo gaartay burburka diyaaraddan.

“Diyaarad nooceedu ahaa Fokker 50 oo ay saarnaayeen afar shaqaale ah ayaa saaka ku burburtay dhisme ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta,” sidaa waxaa lagu sheegay qoraal ay soo saareen maamulka garoonka caalamiga ah ee Nairobi.

Sawir-qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in diyaaraddu ay ku dul dhacday dhisme ganacsi oo ka kooban dukaammo iyo bakhaarro, balse ayna jirin cid wax ku noqotay.

Ilo wareedyo ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in dhammaan afartii qof ee saarnaa diyaaradda ay dhinteen. “Dhammaan afartii qof ee saarnaa diyaaradda way geeriyoodeen… diyaaradda waxaa qabsatay cillad xagga dabka ah, taasoo sabab u noqotay inay dhacdo,” ayaa lagu yiri warbixin booliisku soo saareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com