Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawlada Hoose ee Magaalada Burco iyo Hay’ada FAO oo si wada jir ah xadhiga uga jaray Sariibada Gaha ee magaalada Burco, sidoo kalena waxay dhagax dhigeen Warshad cusub oo lagu farsamaynayo hargaha Xoolaha,

Dawlada Hoose ee Magaalada Burco iyo Hay’ada FAO oo si wada jir ah xadhiga uga jaray Sariibada Gaha ee magaalada Burco, sidoo kalena waxay dhagax dhigeen Warshad cusub oo lagu farsamaynayo hargaha Xoolaha, Xaflad loogu talo galay la kala wareegista sariibadan ay hirgalisay Hay’ada FAO iyo waliba dhagax dhiga warshada Hargaha, isla markaana aad loo soo qaban qaabiyay ayaa lagu qabtay Hoolka Dawlada hoose ee Burco waxaa kasoo qaybgalay Madaxda Dawlada Hoose ee Burco Madaxda Hay’ada FAO, Madaxda wasaarada xanaanada Xoolaha, Wax-garadka reer Burco iyo xubno kale.
Maayarku xigeenka Burco Muxumad xasan Jaamac (Xoday) Ahna ku simaha Maayarka Burco oo ka hadlay xafladaas xadhiga lagaga jarayay Sariibada iyo Goobta dhagaxa la dhigayay ayaa yidhi ”waxaan aad ugu mahadnaqayaa Hay’ada FAO ee suurtaglisay sariibada Gaha oo markii hore iyo maanta faraq wayni u dhaxeeyo. dalabkani waxa uu ka yimi Dawlada Hoose e magaalada Burco oo iyagu masuul ka ah dadwaynaha reer Burco, Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo iyana xil wayn iska saartay ayaan iyana u mahad naqaynaa, Magaalada Burco waa xaruntii xoolaha, dadka reer Burco waxaan leeyahay sidii waxan laynoogu dayactiray waa inaynu u ilaashano. hadana waxaynu dhagax dhigaynaa warshad loogu talo galay Hargaha lagu sameeyo, horena Hay’ada FAO waxay inoogu samaysay Kawaankii xoolaha lagu qalayay oo lacag aad u badani ku baxday.” Ayuu yidhi
Xoghayaha Dawlada Hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sh.Cismaan oo isna mashaariicdan ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Hay’ada FAO maaha markii ugu horaysay ee ay wax inoo qabato ama ay inoo timaado, dawlada hoose ee Burco iyo Hay’ada waxaa ka dhexeeya wada shaqayn fiican waxaan rajaynayaa inay halkaas kasii socon doonto.” Ayuu yidhi Xoghayuhu
Ugu danbayntii Maxamed Jaamac oo ha Madaxa Hay’ada FAO ee Somaliland ayaa yidhi ”waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xadhiga ka jaro sariibadii Gaha iyo Dhagax dhiga warshada Hargaha oo wax wayn ka tari doonta baahida reer Burco iyadoo ay magaalada Burco kaalin mug leh ka tahay xoolaha nool. anagu ka FAO ahaan waxaanu jecelayn inaanu idiin qabano Barnaamijyo fara badan oo dhaxal gal ah.” Ayuu yidhi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com