Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey xiliga ay dib u bilaabmayaan wadahadalada wajiga lixaad ee u dhaxeeya dawladaha Somaliland iyo Somaliya ee Mudooyinkii danbe uga socday dalka Turkiga

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey xiliga ay dib u bilaabmayaan wadahadalada wajiga lixaad ee u dhaxeeya dawladaha Somaliland iyo Somaliya ee Mudooyinkii danbe uga socday dalka Turkiga,Waxaana uu carabka uu ku dhuftay in ay filayaan in Bisha ramadaan kadib ay bilaabmi doonaan Wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya,isaga sida oo kalena tibaaxay in ay rajaynayaan in shirkaasi lagaga wada hadlo qaabkii loo darsi lahaa sidii loogu soo marti qaado ama ay uga soo qayb gali lahaayeen wadamo kale oo aad u muhiim ah ku waasi oo aad u danaynaya arimaha Somaliland iyo Somaliya.

Md:Maxamed Biixi Yoonis ayaa hadalkan ka sheegay shir jara’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa,waxaana uu tilmamaay in Shirka wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya ay hore ugu mudaysnaayeen bishii aynu soo dhaafnay balse ay iyagu ka codsadeen in dib loogu dhigo sababo la xidhiidha Xuskii 18-kii May iyo Xalinta khilaafaadkii Xisbiga KULMIYE soo kala dhex galay.

“Wada hadaladu waxaa ay ahayd in ay dhacaan Bishi May anaga ayaa dib u dhignay Xisbigii KULMIY iyo shaqadii ka dhex socotay iyo waliba 18-May-gii oo laba goor ayaanu dib udhignay imikana waxaa ay iyagu naga soo codsadeen in aanu ka dhigno ramadaan kadib waanan ka ogalaanay hadii Ilaahay uu yidhaahdo,Hase yeeshee waxaanu doonaynaa oo aanu rabnaa in aanu shirka Mustaqbalka waxaanu doonaynaa sidii loo balaadhin laha oo dawlado badan oo dawlado badan oo aad iyo aad u xiisaynayaa in ay ka soo qayb galaan”Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay shir ganacsi oo ay labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya kaga wada hadlayeen arimaha dhaqaale ee ka dhaxeeya labada dawladood oo labadii cisho ee ugu danbeeyey ka socday magaalada Diridhaba waxaana uu yidhi:

“Sidaad la socoto shirweyn ayaa ka socda oo bisha Kowdeedii ilaa Labadeedii aya uu dhacaayey shalayto ayaa uu dhamaaday ilaa 24-qof oo Wasaaradaha ka kala socda ayaa tagay Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa hor socotay,waana markii sadexaad ee shirkan aanu samayno,waxaana aanu usamaynay gogal dhig oo shirka imaan doona Wasiirada ee aniga,Warancade,Qorshaynta,iyo ganacsigu aanu tagi doono”

Ugu danbayntii Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxaa uu ka hadlay Ujeedada wafti ka socda Somaliland oo ku sagan dalka Jabuuti
“Shalayto waxaan tagay dalka Jabuuti wafti inaga xageen ka socda oo aanu wadno in labada wadanba ay aad iyo aa isaga kaashadaan xaga nabad galyada taas oo aanu ilaahay ugu mahad naqayno in dadkeenu ay nabad ku seexdaan Xaga habeenkii Cilaaqaadka aanu laleenahay wadankaas oo aanu ilaalino oo aanu ka ilaalino in aan dhibaatooyin aanay ku dhicin anagana aanay nagu dhicin oo aanu kala shaqayno xaga nabad galyada”Ayuu yidhi Md:Maxamed Biixi Yoonis

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com