Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dab ayaa qabsaday Bakhaar weyn oo ay Shirkadda Al-xarbi ku leedahay magaalada Burco goor aan sidaas u fogayn.

Hargeysa(msl)-Dab ayaa qabsaday Bakhaar weyn oo ay Shirkadda Al-xarbi ku leedahay magaalada Burco goor aan sidaas u fogayn.

Dabka ayaa gubay dhamaan wixii alaab taalay Bakhaarkan oo ahaa Istoodhka ugu weyn ee ay Shirkaddu ku lahayd Magaaladda Burco.

Ma jirto cid wax ku noqotay dabkaasi, waxaana bakhtiitiisa iska kaashaday Dadweynaha Magaalada iyo Gaadiid dab damis ah oo ay dawladda hoose leedahay.

Saraakiisha Dawladda

Maayir ku-xigeenka Degmada Burco Maxamed Xuseen Xoday ayaa msl u xaqiijiyay inuu gabi ahaanba gubtay dhismaha Bakhaarka u ahaa Shirkadda, balse laga badbaadiyay guryihii kale ee ku qabsanaa oo khatar ku galay inuu ku fiddo.

Dhismahan ayaa ku yaallay ka soo horjeedka Taalada Sheikh Bashiir ee Magaalada Burco, halkaasoo raacsan xaafadaha dhinaca Bariga ee Magaalada.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa m u sheegay inay bakhtiinta dabkani wakhti badan qaadatay “Dab damis iyo cagafyo ayaa ka qayb qaatay bakhtiinta dabka”sidaas waxa yidhi ku-simaha Maayirka Burco.

Dabka ayaa xiligan oo kale si fudud ku fida dabaysha xagaaga ee dhacaysa awgeed.

Lama oga sababta uu ka dhashay dabkani, laakiinse waxa socota baadhis lagu samaynayo sida ay sheegayaan saraakiisha nabad-gelyada ee Gobolku.

Khasaaraha dabka

Waa khasaarihii ugu balaadhnaa ee dab ka dhasha Magaalada Burco sanadkan, hase ahaatee marka si guud looga hadlayo dhibatada uu sababay sanadkan, bilihii la soo dhaafay ayaa waxa uu dab sidan oo kale uga kacay Kaalin Shidaal oo ku taallay dhinaca Bari ee Magaalada Hargeysa.

Kaalintaas iyo Hanti kale oo Gaadiid u badan ayaa ku shuf-beelay goor galab ah Holac dab ah oo mar qudha ka kacay mid ka mid ah Kaydadka Shidaalka ee Kaalinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com