Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkadaha Duulimaadka Diyaarada African-Airweys ayaa guud ahaanba rakaabkeeda kasoo raaca Dalalka kala Duwan ee Afrika, Muqdisho,Imaaraadka, iyo Wadamada Kale ee ay isaga Gooshto Duulimaadka African-Airweys

african airweys.JPG.

Shirkada Duulimaadyada African-Airweys oo kamid ah Diyaaradaha ugu Socdaalka Fiican ee ay inta badan sida joogtada ah u raacaan Dadka Reer Somaliland,ee Socdaalka fasaxa ah kujira Xiligan Xagaaga, taas oo iyadu mar walba Duulimaadkeedu sitoos ah uga goosho guud ahaanba Madaarada Somaliland ee Berbera iyo Hargeysa, ayaa xiligan ku howlan in ay rakaabkeeda kala duwan ee wakhtigan kusoo gurya noqonaya dalka Somaliland ay u sameyso Gaadiid ukala qaada Magaalooyinka Gobolada ee ka baxsan Caasimada Hargeysa, iyadoo awal hore ku koobneyd mararka qaar in

ay rakaabkeeda kasoo qaado Berbera ama usii qaado haseyeeshee, xiligan wada qorshaha ay rakaabkeeda u qaadeyso Magaalooyinka kala duwan ee Somaliland.

Masuulyiinta Shirkada Duulimaadyada African-Airweys ee Somaliland ayaa Shabakada Wararka hadhwanaagnews u xaqiijiyay, in ay howl fududeynta dhinaca Gaadiidka dhawaan u bilaabi doonto Shirkada African-Airweys rakaabkeeda kala duwan ee ay kasoo qaado imaaraadka iyo dalalka Afrika intaba.

Gabagabadii waxey dhawaan usoo bandhigi doonaan howl-wadeenada Shirkada Diyaaradaha African-Airweys qorshahaasi Duulimaadka Diyaarada oo todobaadkii si joogto ah u timaada ugana duusha dalka Somaliland.

Wixii Faafaahin ah Waxaanu idiinku soo gudbin doonaa Shabakada Wararka maantasomaliland,iyadoo dadweynaha ku sugan Somaliland ay kala xidhiidhi doonaan Xafiiska Weyn ee Shirkada Duulimaadyada African-Airweys ku leedahay Magaalada Hargeysa,khusuusana telefoonada 0634108410, ama 0634420097, ee Xafiiska ay Hargeysa ku leedahay African-Airweys oo kuyaala dhinca Bari ee Huteelka Gargaar.

Shirkada Duulimaadyada African-Airweys ayaa kamid ah duulimaadyada ugu fiican ee dhinaca rakaabka iyo kaarkoogaba,sida joogtada ah ugu gooshaan shacbiga Reer Somaliland,inta ugu badan ee Ganacsatada iyo Rakaabkaba, iyadoo xarumo waaweyn kuleh dalalka Afrika,iyo Imaaraadka Carabta,waxaaney kamid tahey Duulimaadyada ugu fiican ee had iyo jeer ku wanaagsan dhinaca Amaanada, Ilaalinta agabka, iyo habsami usocdka nidaamka shaqada Xafiiska, ee adeega dadweynaha iyadoo qorshaheedu nidaamka fiican kusocdo inta badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com