Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

SOLJA oo Baaq culus u jeediyey Caalamka dimuquraadiyadda & Xorriyadda Saxaafadda daneeya

\

Hargeysa(msl):- MGarsoorihii Xukumay Wargeyska Haatuf iyo Masuuliyiintiisa oo Diiday bixinta Nuqulka Xukunka iyo Masuuliyiinta Racfaan ka qaatay Xukunkaas Sharci-darrada ahaa
– Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa Baaq culus u jeediyey Beesha caalamka guud ahaan, gaar ahaanna Hay’adaha iyo Dawladaha daneeya nidaamka dimuquraaddiyadda iyo madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland, kuwaasoo ay ugu baaqeen inay si dhaw isha ugu hayaan oo ula socdaan sida ay wakhtigan wax yihiin iyo inay madax-bannaanidii Warbaahinta xorta ah ee Somaliland god madoow ku dhacday.

Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf, ayaa u xaqiijiyey Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA inuu Racfaan ka qaatay xukunkii ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ku ridday 25-kii bishii lixaad ee 2014-ka, oo sharci-darro iyo caddaalad-darro lagu tilmaamay.

Qoraal kooban oo uu caawa soo saaray Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa lagu sheegay inuu Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe u xaqiijiyey inuu Racfaan ka qaatay Xukunkaas caddaalad-darrada ahaa, ka dib markii ay booqasho ugu tageen Xabsiga uu ku xidhan yahay Khamiistii oo ay bishan Julay ahayd 3, isla markaana ay dalabkiisa u gudbiyeen Maxkamadda Racfaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Hase-yeeshee, Calawi Cabdi Gaboobo oo ay Walaalo yihiin Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Garyaqaannada u doodayey Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf, ayaa sheegay inuu Garsooraha xukunka sharci-darrada ah ku riday Wargeyska Haatuf iyo Masuuliyiintiisa oo lagu magacaabo Garsoore Asad uu diiday inuu bixiyo Nuqulka Xukunka uu ku riday Haatuf iyo Madaxdiisa 25-kii bishii hore ee June ee sannadkan oo uu qol Madoow ku dhex xukumay.

Waxa-se uu Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ugu baaqay Daneeyayaasha Xorriyatul-qawlka iyo arrimaha dimuquraaddiyadda iyo Madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland, inay la socdaan, isla markaana isha si dhaw ugu hayaan arrimaha Madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland oo uu SOLJA sheegay inay hog madoow ku ridday Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Hay’adaha Garsoorka oo lumiyey dhex-dhexaadnimadii iyo madax-bannaanidii ay wax ku garsoori lahaayeen, keliyana u adeega cid gaar ah oo ah Xukuumadda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.kuwaasoo ay ugu baaqeen inay si dhaw isha ugu hayaan oo ula socdaan sida ay wakhtigan wax yihiin iyo inay madax-bannaanidii Warbaahinta xorta ah ee Somaliland god madoow ku dhacday.

Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf, ayaa u xaqiijiyey Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA inuu Racfaan ka qaatay xukunkii ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ku ridday 25-kii bishii lixaad ee 2014-ka, oo sharci-darro iyo caddaalad-darro lagu tilmaamay.

Qoraal kooban oo uu caawa soo saaray Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa lagu sheegay inuu Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe u xaqiijiyey inuu Racfaan ka qaatay Xukunkaas caddaalad-darrada ahaa, ka dib markii ay booqasho ugu tageen Xabsiga uu ku xidhan yahay Khamiistii oo ay bishan Julay ahayd 3, isla markaana ay dalabkiisa u gudbiyeen Maxkamadda Racfaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Hase-yeeshee, Calawi Cabdi Gaboobo oo ay Walaalo yihiin Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Garyaqaannada u doodayey Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf, ayaa sheegay inuu Garsooraha xukunka sharci-darrada ah ku riday Wargeyska Haatuf iyo Masuuliyiintiisa oo lagu magacaabo Garsoore Asad uu diiday inuu bixiyo Nuqulka Xukunka uu ku riday Haatuf iyo Madaxdiisa 25-kii bishii hore ee June ee sannadkan oo uu qol Madoow ku dhex xukumay.

Waxa-se uu Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ugu baaqay Daneeyayaasha Xorriyatul-qawlka iyo arrimaha dimuquraaddiyadda iyo Madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland, inay la socdaan, isla markaana isha si dhaw ugu hayaan arrimaha Madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland oo uu SOLJA sheegay inay hog madoow ku ridday Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Hay’adaha Garsoorka oo lumiyey dhex-dhexaadnimadii iyo madax-bannaanidii ay wax ku garsoori lahaayeen, keliyana u adeega cid gaar ah oo ah Xukuumadda.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com