Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa tigreeto madaxweyne ugu magacaabay Gobal in ay tahay Xaysimo oo ay Magaalo Madaxdiisu ay tahay Magaalad Taleex.

siilaanyo3-qosol1

Warsaxaafeed ka soo baxay aqalka madaxtoyada ayaa waxaa uu udhignaa sida tan.

05/07/2014

WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2613/072014 ku magacaabay Gobolka Xaysimo magaalo badaxdiisuna tahay Taleex.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax ka beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanada;

Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Markuu Ku Qancay: In maamulada loo dhaweeyo shacbiga oo hoos loo daadajiyo;

Wuxuu Go’aansaday;

In uu u magacaabo Gobolka Xaysimo oo magaalo Madax u tahay Taleex, oo ka koobnaan doona Degmada Sarmaanyo, Degmada Xalin, Degmada Carroolay iyo Degmada God-aalo.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com