Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa siweyn looga deyrinayaa, qeybo badan oo kamid ah Xaafadaha halbowlaha Magaalada ee Shacbiga ugu badani ku nool yihiin gaar ahaana Shacbiga danyarta ah sida Xaafada Burco Sheekh in ay ka jirto Biyo,la,aan adag oo soo foodsaartey

biyo-yaraan(1).jpg dadweynaha ku nool Xafadaasi, oo la ildaran oonka xaalada biyo laanta kajirta halkaasi.

Biyo la,aanta adag ee Soo Foodsaartey Xaafada Burco Sheekh ee Magaalada Berbera islamarkaana, ay u wehelinayaan xiliga Xagaaga,iyo Bisha barakeysan ee Ramadaan soonka maalintii ayaanay habayaraatee, la qabin guud ahaanba Huteelada Waaweyn ee Magaalada Berbera, iyo Gudaha Dekeba weyn ee Berbera, iyo meelo badan oo kale oo ka fog nawaaxiga biyo gaadheenka oo ay u badan yihiin

Xarumaha Maamulka Dowlada ee Degmada iyo Gobolkaba, waxaana xiligan haraadka culus iyo biyo la,aanta soo foodsaartey ee beerka dhulka u dhigtey danyarta iyo shacbiga kunool Xaafada Burco-Sheekh ee Magaalada Berbera guud ahaanba aan ka warqabin Maamulka Gobolka la geeyay bariga dhaweyd, oo aaney Reer Berbera u arag Maamulkii ku munaasibka ahaa Gobolkaasi iyo xaaladihiisa, iyo Maamulka Wakaalada Biyaha ee Degmada Berbera, oo iyagu kujira aqalo waaweyn oo ay ku baxayaan (AC)yada qaboojiyaha ah, kuwaas oo aan wali ka war doonin Xaalada Biyo La,aanta kajirta Xaafada Burco Sheekh ee Magaalada Berbera.

Sida uu hadhwanaagnews u xaqiijiyay mid kamid ah Dadweynaha kunool Magaalada Berbera gaar ahaan, Xaafada Burco-sheekh ee Magaalada Berbera ayaa guud ahaanba ka deyriyay xiliga adag ee hanfiga dabeylaha Xagaagu ka dhacayaan Magaalada Berbera, iyo Soonka bisha barakeysan ee Ramadaanta, waxaanay biyo la,aantani Saameyn adag kuyeesheen Dadweynaha ku haraadan gudaha Xaafada Burco Sheekh taas, oo biyo la,aanta ka taagan ee daba cararka Booyadaha iyo haweenka habeen iyo maalinba jarakaamada, la yaacaya siweyn looga dareemo qeybaha kale ee Magaalada Berbera iyadoo aaney Biyo la,aanta xiligan adag ee Xagaagu ee ka taagan xaafadaha Magaala Berbera ku koobneyn Xaafada Burco-Sheekh haseyeeshee, biyo la,aantaasi laga dareemayo dhinaca Finlanta ee Magaalada Berbera iyo Qeybo kaleba.

Inkastoo aan isku deynay inaanu wax ka weydiino Maamulka Wakaalada Biyaha Berbera biyo la,aanta halista ah ee Xiligan ka taagan Xaafadaha ubucda Magaalada Berbera ee Shacbiga ugu badan ee dadweynaha Berberi kunool yihiin, nooma ay suurtagalin kadib markii aanu kuweynay khadka Telefoonka laakiin, waxa la sheegay in Wakaalada Biyaha Berbera lagu caawiyay qalab iyo Mushiino waaweyn oo wax weyn katari kara in ay Biyaha gaadhsiiyaan Xaafadahaasi iyo Meelo kaleba, iyadoo ay dadkani ka iibsadaan had iyo jeer Wakaalada Biyaha biyaha ay hore u cabi jireen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com