Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Waxyaabihii Uga Qabsoomay Socdaalkooda Djabouti

Wadada hadalada labada dhinac ayaa ugu waaweynaa sidii la isaga kaashan lahaa xidhiidhka labada dhinac iyo waliba sidii nabad galyada ay u wada ilaashan lahaayeen.

Wadada hadalada labada dhinac ayaa ugu waaweynaa sidii la isaga kaashan lahaa xidhiidhka labada dhinac iyo waliba sidii nabad galyada ay u wada ilaashan lahaayeen.

Djabouti (msl) – Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade oo ay xubno ka yihiin Taliyaha Ciidamada Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, taliyaha Sirdoonka Qaranka Jaamac Maxamed Bootaan.

Waftigan oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay Ku sugnaa Magaaladda Djabouti ayaa wada hadalo la lahaa masuuliyiin ka soo jeeda dhinaca dalka Djabouti.

Wadada hadalada labada dhinac ayaa ugu waaweynaa sidii la isaga kaashan lahaa xidhiidhka labada dhinac iyo waliba sidii nabad galyada ay u wada ilaashan lahaayeen.

Hadaba Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade oo Magaaladda Djabouti ugu

waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka wada hadleen masuuliyiinta dalka Djabouti sii xoojinta xidhiidhka labada wadan, waxaanu yidhi “Waxa aanu runtii isla garanay sidii amaanka loo wada adkayn lahaa, waxa aanu isla qaadanay, waxaana naga dhaxeeya xidhiidhi ganacsi” ayuu yidhi.

Qaraxii ka dhacay dalka Djabouti bishii la soo dhaafay, waxa ay masuuliyiinta Jamhuuriyadda Djabouti ay xuseen in dadkii falkaasi geystay ka soo gudbeen dhinaca dalka Somalilland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com