Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiir-xigeenka Caafimaadka Oo Sheegtay In La Keenay Daawooyinka Uu Ku Shaqeeyo Mishiinka Kelyaha Oo Kala Go’ay

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa ka hadashay dib u dhac ku yimid Daawooyinka Mishiinada Kelyaha sifeeya, waxayna sheegtay in muddo yar oo kooban dib u dhac ku yimid Daawooyinka Mishiinada Kelyaha Sifeeya, iyada oo sabab uga dhigtay in Daawooyinku go’aan dadka oo aad u batay awgood, waxayna caddeysay in hadda Daawooyinkii ay yalaan, oo si deg deg ah loo keenay, laguna keenay Diyaarad.

Dhawaan ayaa waxa daawo la’aan u istaagay mishiinada Kelyaha safeeya ee yaala cisbitaalka Hargeysa, kuwaas oo ay ku xidhanyihiin bukaan badan oo isugu jira reer Somaliland iyo dad kaleba oo gobalka ka yimaadaba.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo u warantay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka warantay xaalada guud ee Caafimaadka Somaliland, waxayna sheegtay in wax badan ay ka qabteen, xaalada Caafimaad ee dalkuna ay aad u wanaagsan tahay, waxayna Bulshada reer Somaliland ugu baaqday, gaar ahaan Hooyooyinka inay ku dadaalan ilaalinta Caafimaadka, Nadaafada, Faya-dhawrka iyo ku dadaalista Talaalka Caruurta, waxayna ugu horeyn tidhi “Hal Todobaad oo qudha ayaa Daawooyinku Mishiinada kelyaha sifeeya ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa hakad ku yimid, oo ay ka go’een, sababta keentay in hakad ku yimidna wax kale maaha ee markii hore waxa Cisbitaalka yaalay Laba Mishiin oo qudha, waxa lagu soo kordhiyey Shan Mishiin oo kale oo kelyaha sifeeya, oo hadda Cisbitaalka Guud ee Hargeysa Todoba Mishiin ayaa yaala, dadkii ayaa aad ugu batay, oo xitaa dad Malaysia xaalad Caafimaad u tagay ayaa dib u soo laabtay, inta badan Daawooyinku waxa ay inooga iman jireen Hindiya, oo Markab ayaa soo qaadi jirey,Markabkaasi si toos ah muu u iman jirin Somaliland ee Jabuuti ayuu ku soo horeyn jirey, balse sidoo kale dib u dhaca yar ee ku yimid Markabka ayaa iyana sidoo kale keentay inay Daawooyinku go’aan, laakiin waanu sugi kari weynay Markabkii oo Diyaarad ayaanu ku keenay, oo hadda wax Daawo oo go’ani ma jirto, Daawooyinkii Mishiinka Kelyaha sifeeyana waa diyaar, Daawooyinka Markabana waanu sugaynaa, waxaana mar walba doonaynaa in aanu ku dadaalno oo aanu ilaalino Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada kala duwan ee reer Somaliland.”

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan oo ka hadlay xaaladda caafimaadka Somaliland, ayaa tidhi “Hadda xaalada guud ee Caafimaadka Somaliland aad ayey u wanaagsan tahay, guud ahaan dadaal iyo wacyigelin aad u balaadhan ayaanu wadnaa, marka laga yimaado Magaalooyinka dhinaca Degmooyinka iyo Tuulooyinkana dadku sidii hore maaha, oo aad iyo aad ayey wax u fahmeen, waxa se Bulshada reer Somaliland, gaar ahaan Haweenka iyo Hooyooyinka ugu baaqaya oo aan kula talinayaa inay ku dadaalan ilaalinta Nadaafada iyo Faya-dhawrka, maxa yeelay haddii lagu dadaalo ilaalinta Faya-dhawrka iyo Nadaafada, Caafimaadka waa la ilaaliyey, haddii kale oo la ilaalin waayo oo Nadaafad daro iyo Faya-dhawr xumo yimaadaan, weynu ognahay in Caafimaadku xumaanayo,Cudurana dhalan karaan, waxa kale oo aan leeyahay Hooyooyinka Ubadka kula dadaala oo la ogaada Talaalka, oo ha la joojiyo fikirka khaldan ee laga aaminsan yahay Talaalka”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa iyada oo hadalkeedii sii wadata tidhi “Gobol walba, Magaalo walba iyo Degmo walba waxa ka furan MCH, waana in Hooyooyinka iyo Haweenka Uurka leh si joogta ah ula socdaan, si xaalooda Caafimaad loola socdo, loona ogaado,haddii se ay Hooyada Uurka leh la socon weydo oo ay ku xidhnaan weydo MCH-ka in dhibaato caafimaad ku dhici karto, markaas maaha inay Hooyada Uurka leh is dhayalsato” caafimaadka

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com