Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa todobaadka soo socda inuu safar ugu baxo wadanka Ingiriiska. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay war galeen xogogaal ah.

Wararka uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan in Madaxweynuhu ka hor safarkiisa London sii mari doono magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, waxaana laga yaabaa sida ay wararku sheegayan inuu Addis Ababa kula sii kulmo madaxda sare ee dawladda Itoobiya, iyadoo la ogyahay inuu arrimo amni u xidhanyahay xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Waxaana la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo ku dedaalo inuu Itoobiya ku qanciyo in la furo xadka labada wadan ee xidhan.

Dhinaca Ingiriiska, waxa ay wararka qaar sheegayaan inuu safarkiisu yahay mid shakhsi, waxase la filayaa inuu magaalada London kulamo kula yeesho masuuliyiin ka tirsan dawladda Ingiriiska, iyadoo uu Ingiriisku hormuud u ahaa baaqii dhawaan ka dhanka ahaa Somaliland ee ka soo baxay wadamada Ingiriiska, Maraykanka iyo ururka Midowga Yurub. Arrimahan iyo kuwo kale ayaa iyana la filayaa inuu kala hadlo masuuliyiinta uu kala kulmo dawladda Ingiriis oo uu xidhiid soo jireen ahi ka dhexeeyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Socdaalkan Madaxweynaha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa wakhti ay dad badani aaminsanyihiin inuu gaabis ku yimid xidhiidhkii Somaliland ay lahayd beesha caalamka, gaar ahaan wadamada jaarka iyo wadanka Ingiriiska. Xadka Itoobiya ay la wadaagto Somaliland; ayaa sida ay dawladda Somaliland xaqiijisay wuxuu u xidhanyahay arrimo nabadgelyo.

Waxaanay xisbiyada mucaaradku ku eedeeyaan Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa inay ka gaabisay xoojinta xidhiidka dibadda, laakiin xukumadda ayaa si adag u difaacda siyaasadeeda arrimaha dibadda. – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa todobaadka soo socda inuu safar ugu baxo wadanka Ingiriiska. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay war galeen xogogaal ah.

Wararka uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan in Madaxweynuhu ka hor safarkiisa London sii mari doono magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, waxaana laga yaabaa sida ay wararku sheegayan inuu Addis Ababa kula sii kulmo madaxda sare ee dawladda Itoobiya, iyadoo la ogyahay inuu arrimo amni u xidhanyahay xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Waxaana la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo ku dedaalo inuu Itoobiya ku qanciyo in la furo xadka labada wadan ee xidhan.

Dhinaca Ingiriiska, waxa ay wararka qaar sheegayaan inuu safarkiisu yahay mid shakhsi, waxase la filayaa inuu magaalada London kulamo kula yeesho masuuliyiin ka tirsan dawladda Ingiriiska, iyadoo uu Ingiriisku hormuud u ahaa baaqii dhawaan ka dhanka ahaa Somaliland ee ka soo baxay wadamada Ingiriiska, Maraykanka iyo ururka Midowga Yurub. Arrimahan iyo kuwo kale ayaa iyana la filayaa inuu kala hadlo masuuliyiinta uu kala kulmo dawladda Ingiriis oo uu xidhiid soo jireen ahi ka dhexeeyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Socdaalkan Madaxweynaha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa wakhti ay dad badani aaminsanyihiin inuu gaabis ku yimid xidhiidhkii Somaliland ay lahayd beesha caalamka, gaar ahaan wadamada jaarka iyo wadanka Ingiriiska. Xadka Itoobiya ay la wadaagto Somaliland; ayaa sida ay dawladda Somaliland xaqiijisay wuxuu u xidhanyahay arrimo nabadgelyo.

Waxaanay xisbiyada mucaaradku ku eedeeyaan Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa inay ka gaabisay xoojinta xidhiidka dibadda, laakiin xukumadda ayaa si adag u difaacda siyaasadeeda arrimaha dibadda. –

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com