Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa:Maamulka Degmada 26 june oo u Hanjabay dadka cashuurta bixin waaya

-Maamulka Degmada 26 june, ayaa soo saaray fariin uu dadweynaha kaga codsanayo inay bixiyaan Cashuurta ku waajibtay.

Maamulku wuxuu sheegay in qofkii Cashuurta laga doonayo ku bixin waaya laba bilood guddahood la ganaaxi doono.

War qoraal ah oo uu saaray Guddoomiye ku-xigeenka Degmada C/raxmaan Maxamed Jaamac (hadhiye), ayaa sidoo kale waxa mahad naq loogu jeediyay dadka iyagu bixiyay Cashuurta.

“waxaan dadwaynaha ku dhaqan dagmada 26ka juun ka codsanayaa inay bixiyaan cashuurta liisamada iyo ardiyadaha.

inta bixisay waan u mahad naqayaa waanan ku hanbalyeynayaa inta kalana waxaan farayaa inay mudo laba bilood gudohooda ku soo bixiyaan.

waxaan kaloon u sheegayaa cidkastoo ka dhago adaygta ama u hogaan sami wayda baaqan inuu fuuli doono ganaax.

intaas kadibna aanu la tiigsan doono hayadaha sharciga si ay uga gutaan waajibkooda .

waxaan mar labaad dadwaynaha ku dhaqan dagmadan ka codsanayaa inay la shaqeeyaan shirkada qashinka ee almis taasoo dhawaan la wareegtay shaqada qashinka dagmada ,waxaan faryaa ganacsatada sida supermarketada , tukaanada iyo bakhaarada ku ganacsada farasmagaalaha inay samaystaan desk been u gaara iyo qashinka ku ururiyaan kana waantoobaan qashinka ay wadooyinka ku daadinayaan maanta laga bilaabana u dulqaadan mayno waxaananu ka qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan , waxaan kaloon u digayaa cidkaastoo dagan wado dhexdeed inay sida ugu dhakhsaha badan u baneeyaan anoo dhawaan insha allah qaadi doona olole wado banyn si aanu u qurxino bilicda dagmada iyo ta caasimadaba .

guntii iyo gabadii waxaanu dadwaynaha ku dhaqan dagmada 26ka juun u balan qaadaynaa inaanu ugu adeegi doono aqoon ,hufnaan ,cadaalad iyo daacanimo insha allaahu waxaanu wax badan ka qaban doonaa horena uga qabanay bilicda dagmada 26ka juun haday tahay dayactika iyo dhisida wadooyinka , haday tahay nidaamka habsami u socodka cashuuraha , haday tahay xakamaynta qashinka dagmada oonu hada u hawlanahay.

waxaanu marlabaad iyo mar sadexaadba idinka codsanaynaa wado shaqayntiina iyo inaad u dhago nuglaataan habsami u socodk cashuuraha si uu u fulo horumarkaa aanu higsanaynaa.

Allaa Mahad leh

G/kuxigeenka 1aad ee dagmada 26ka juun

C/raxmaan Maxamed Jaamac (hadhiye)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com