Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Cuntada Caafimaadka u Leh dadwaynaha

xusee

Cuntooyinka aad cunaysid waa in ay noqdaan kuwo kala duwan oo ay kamid yihiin khudaarta la
kariyo, khudaarta macaan ee midhaha leh, hadhuudhka, digirta, sareenka, hilib, kaluun,
caano, iwm.

Cuntooyinka caafimaadka leh waa kuwa baruurta, sonkorta iyo cusbadu ay ku yaryihiin. Marka
lacunayo, waa in la cuno in qiyaas ah oo aan badnayn.

Waxyaabaha aad cunayso waa in ay yihiin midho nafaqo leh sida bariiska aan caddanka ahayn,
heeda, sareenka, iyo waxyaabaha laga sameeyo daqiiqda cas ee qamadida, sida roodhida cas,
baastada cas, boorash. Waxyaabahaasi waxay leeyihiin buushe (fiber) caloosha u wanaagsan.

Waxaa muhiim ah in aad cunto khudaar badan oo kale duwan ugu yaraan maalintii shan goor.
Khudaartaasi waxay noqonkartaa mid cusub, mid qasacadaysan, ama mid barafaysan.
hussein harbl
Yarayso cuntada suuqa laga cuno iyo ta diyaarka ah ee lasoo iibsado ee la diirsado waayo
cuntooyinkaas waxaa ku badan cusbada iyo dufanka.

Cunida cuntada wanaagsan waxay adiga iyo reerkaagaba kaa caawinaysaa in aydun kunoolaataaan
nolol caafimaad leh oo qof walbana ku fiicnaado shaqadiisa, dugsigiisa iyo wax yaabaha kale ee la
qabto

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com