Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasaaradda Duulista waxay maanta tijaabisay qalabkii lagu maamuli lahaa hawada sare,

Ugu dambayn dawladda Somaliland waxay ka digaysaa halisaha ku iman kara daganaanshaha iyo badqabka Mushaaxida hawada sare hadii Qaramada Midoobay ay qaado talaabo aanay isla ogalayn

Ugu dambayn dawladda Somaliland waxay ka digaysaa halisaha ku iman kara daganaanshaha iyo badqabka Mushaaxida hawada sare hadii Qaramada Midoobay ay qaado talaabo aanay isla ogalayn

War Saxaafadeed

“ Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland oo in muddo ah ku hawlanayd u diyaar garowga sidii ay ula wareegi lahayd una maamuli lahayd hawadeeda sare oo ay hore gacanta ugu haysay Qaramada Midoobay, ayaa diyaar garowgaasi uu ku dhamaaday si guul ah.

Wasaaradda Duulista waxay maanta tijaabisay qalabkii lagu maamuli lahaa hawada sare, ee sidoo kale lagula xidhiidhi lahaa Diyaaraha adeegsanaya hawada Xagga sare iyo Xaga hoose ee Somaliland. Tijaabada qalbakaasina ayaa lagu guulaysatay gabi ahaanba.

Hawshani loogu diyaar garoobayo maamulka hawada oo ay gacanta ku hayaan Khuburo ka tirsan Wasaaradda Duulista oo uu hogaaminayo Agaasimaha Waaxda duulista Eng. Saciid Mahdi Ileeye, ayaa si habsami leh u socota, iyada oo la diyaariyey dhamaan agabkii

loo baahnaa.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka waxay halkan ka caddanaysaa in Dawladda Somaliland ka go’an tahay inay maamulato hawadeeda awood buuxdana ay arintaasi u leedahay. Somaliland marnaba aqbalaynin in hawadeeda laga maamulo wadan shisheeye.

Ugu dambayn dawladda Somaliland waxay ka digaysaa halisaha ku iman kara daganaanshaha iyo badqabka Mushaaxida hawada sare hadii Qaramada Midoobay ay qaado talaabo aanay isla ogalayn ama ku wada qanacsaneyn dhinacyada arinta maamulka hawadu ay wada khusayso (Stake holders)”

ALLA MAHAD LEH

Saddam Maxamed Axmed

Afhayeenka Wasaaradda Duulista Hawada & G.Cirka JSL.

06/07/2014

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com