Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Magaaladda Hargeysa, gaar ahaan Xildhibaanada Guddida Dhulka ee Golaha Deegaanka Caasimadda, ayaa dhaliilo u soo jeediyey Wasiirul Dawlaha Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees, waxayna ku dhaliileen isla markaana sheegeen inay ayaan daro tahay in isaga oo ah Wasiir Qaran inuu la soo safto oo uu isku soo koobo Degmada Salaxlay oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Magaaladda Hargeysa, gaar ahaan Xildhibaanada Guddida Dhulka ee Golaha Deegaanka Caasimadda,
ayaa dhaliilo u soo jeediyey Wasiirul Dawlaha Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees, waxayna ku dhaliileen isla markaana sheegeen inay ayaan daro tahay in isaga oo ah Wasiir Qaran inuu la soo safto oo uu isku soo koobo Degmada Salaxlay oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale caddeeyey inay Taageersanyihiin Go’aankii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee ay ku kala xadeynaysay Dhulka ku yaal Deegaanka Toon ee ay ku muransanyihiin Golayaasha Deegaanka Magaaladda Hargeysa iyo Degmada Salaxlay.

Guddida Dhulka ee Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa oo Shalay Shir jaraa’id qabtay ayaa ugu horeyn Shirkaas jaraa’iid waxa ka hadlay Xoghayaha Guddida Dhulka ee dawalda Hoose ee Magaaladda Hargeysa Xildhibaan Axmed Daahir waxaanu si gaar ah uga hadlay muranka Dhul ee ka dhex aloosan labada Gole Deegaan waxaanu yidhi “Waxa aan la qabaa Xildhibaanada soo dhaweynta go’aankan, waxaanan leeyahay qolada reer Salaxley ama Maayarka Degmadaasi Shiine Tobankii Sanno ee uu maayar Jiciir taladda hayay waa la ogaa sidii aad ula shaqaynayseen, Maanta saw qabyaalad noqon mayso waxa lagu eryanayaa”.

Guddoomiye xigeenka Guddida dhulka ee Golaha Deeganka Caasimadda Hargaysa xildhibaan Cabdlaahi Aw Aadan, oo isna halkaas ka hadlay ayaa wuxuu u mahadnaqay Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland, isaga oo uga mahadnaqay go’aanka ay ka qaadatay murankii ka taagnaa dhulka u dhexeeya Hargeysa iyo Salaxlay, waxaanu yidhi “Waxa aan halkan uga mahad celinayaa Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland oo hawl ka qabatay kala xadaynta dhulka Salaxley iyo Baligubadle. maalintaas laga bilaabo Degmada Salaxley waxa ay maamuli doontaa Toon wixii Koonfur ka xiga, halka wixii ka sokeeyana ay maamuli doonto Magaaladda Hargeysa, dhinaca Baligubadle oo aan ka soo jeedaana waxa ay maamuli doonaan Habaas weyn, Cuno qabad ilaa Darfacle wixii ka shisheeya. Waxa aan leeyahay saaxiibkay Maxamed Muuse Abees oo ah Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Qaranka oo dhan ayaad wasiir u tahay, laakiin maaha in aad la soo safato Salaxley.”

Xildhibaan Axmed Siyaad oo ka mida Guddida Dhulka ee Dawladda hoose Hargeysa, oo isna Shirkaas jaraa’iid ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay soo dhaweenayaa go’aanka Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ka soo saartay khilaafkaasi, waxaanu yidhi ”Waxa aan soo dhaweynayaa go’aanka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland ay ka soo saartay kala xadaynta. aniga oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Salaxley, waxa aan odhan lahaa sidii uu Cabdilaahi Aw Aadan hore u sheegay Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees iyo qaar ka mid ah Cuqaal ku hawlan arrimahan ka taagan xadka salaxley, waxa aan leeyahay ha loo hogaansamo. wakhtigii uu Maayar Jiciir taladda hayay Golaha Deegaanka ee Salaxley way la shaqaynayeen oo wax hadal lagama hayo, maanta haddii dadka Magaaladda Hargeysa inala dagaa ay Caasimaddii Maayar ka yihiin yaan loo arkin in aynu eryanayno ee sidii aynu ula shaqaynay adeerkeen aynu ula shaqayno iyagana.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com