Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa dib u furtay Xadka ay la wadaagto Somaliland, isla markaana fasaxday isu-socodka Gaadiidka iyo Dadka isaga gudbaya labada dal oo tan iyo markii ay Qaraxyadu ka dhaceen waddanka Jabuuti 24-ka Bishii May ee sannadkan 2014-ka, sida uu xaqiijiyey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa dib u furtay Xadka ay la wadaagto Somaliland, isla markaana fasaxday isu-socodka Gaadiidka iyo Dadka isaga gudbaya labada dal oo tan iyo markii ay Qaraxyadu ka dhaceen waddanka Jabuuti 24-ka Bishii May ee sannadkan 2014-ka, sida uu xaqiijiyey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC isagoo ku sugan magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay maalmahanba safar ku joogeen Wefti uu hoggaaminayaa, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay saddex Muwaaddin oo Somaliland u dhashay oo ay dawladda Somaliland ku wareejisay dawladda Jabuuti, kuwaasoo midkood la sheegay inuu u dhintay Jidh-dil iyo garaacis ay Ciidammada Jabuuti ku sameeyeen, balse Wasiir Waran-cadde dhimashadaas kama hadal.

“Waad ogtihiin oo dhawaan Jabuuti dhibaato yar baa ka dhacday (Qarax) markaa waxay saamaysay runtii isu socodkii labada dal iyo baayac-mushtarigii, iyadoo xagga nabadgelyada xoogga la saarayo, markaa si arrimahaa looga wada shaqeeyo oo la isaga kaashado sidii dadku isugu socon lahaa, sidii ganacsigu isugu socon lahaa ee laga wadahadalno…arrimahaas ayaannu u tegnay Jabuuti, waanannu ka wadahadalnay si wanaagsanna waannu isula af-garannay oo maantay noo soo dhammaatay, Madaxweynaha iyo Wasiirradana si fiican baannu isu aragnay oo uga wadahadalnay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay in maanta ay dawladda Jabuuti si rasmi ah u furtay xadka, waxaanu yidhi; “Maantaa Xadka la furay oo isu-socodka Gaadiidka, Dadka iyo Ganacsiguba si caadi ah ayuu ugu kala gudbayaa labada dal.” Waxa uu sidoo kale Waran-cadde sheegay in Xadka Itoobiya iyo Somaliland oo xidhan wadahadal ka socdo, isla markaana ay rejaynayaan in dhawaan isagana ay dawladda Itoobiya furi doonto.

Waxa uu Wasiir Waran-cadde oo wax laga weydiiyey saddexda qof ee ay dawladda Jabuuti ku wareejiyeen ee reer Somaliland ah iyo sababta ay u wareejiyeen, ayaa ku dooday inay wixii baadhis ahi dhinac kasta lagu qaadi doono, laakiin sida ay dhigayaan Sharciyada Jabuuti iyo Somaliland in dal walba dadka u dhashay isagu xukumo, balse baadhista dalka la doono lagu samayn karo. Balse waxa uu ka war-wareegay jawaabta su’aal laga weydiiyey waxa Muwaaddiniinta reer Somaliland ee Jabuuti loo dhiibay kiiskooda loogu baadhi waayay Somaliland, maaddaama oo Sharcigu dhigayo in dalkooda lagu Maxkamadeeyo haddii ay dembi galaan.

Waa markii ugu horreysay ee ay Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasiirka arrimaha guduhu uu sidan oo kale uga hadlo Muwaaddiniinta Somaliland u dhashay ee ay dawladdu ku wareejisay dawaldda Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaasoo sida uu Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ee taageera Xisbiga WADDANI waraysi uu xalay bixiyey ku sheegay in mid ka mid ah saddexda Muwaaddin ee reer Somaliland ee lagu wareejiyey Jabuuti ay Ciidanka Jabuuti ku dileen jidh-dil iyo garaacis ay ku sameeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com