Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Qunsulka dawladda Turkiga u qaabbilsan Xafiiskeeda Somaliland, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, kaasoo ay ka wadahadleen qodobbo kala duwan oo ay is-barasho iyo wada-shaqayni ka mid yihiin.

Qunsulka dawladda Turkiga u qaabbilsan Xafiiskeeda Somaliland, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay WasQUNSULKA-TURKIGA-U-FADHIYA-SOMALILAND-OO-LA-KULMAY-WASIIRKA-ARRIMAHA-DIBEDDA-300x224iirka arrimaha dibedda Somaliland, kaasoo ay ka wadahadleen qodobbo kala duwan oo ay is-barasho iyo wada-shaqayni ka mid yihiin.

QUNSULKA TURKIGA U FADHIYA SOMALILAND OO LA KULMAY WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA

Waxa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Siciid Cali Muuse, War-Saxaafadeedkaas oo uu Afhayeenku ku faahfaahiyey nuxurka kulanka labada Masuul oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, waxa uu u qornaa sidan:-

“War Ka soo Baxay Wasaarada Arrimaha Debedda ee Somaliland- 06/07/2014- Maanta oo Axad ahayd Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Qunsulka Guud ee Turkeyga u fadhiya Somaliland, Muzaffer Yuksel. Booqashada Yuksel ee Wasaarada Arrimha Dibedda ayaa la xidhiidhay is-barasho, waxaana laga wadahadlay xidhiidhka Turkeyga iyo Somaliland.

Arrimaha kale ee laga wadahadlay waxa ka mid ahaa Mashaariicda dawladda Turkeygu ka fulinayso Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay Cusbitaalladu ka mid yihiin iyo Mashaariic kale. Qunsulka Guud wuxuu halkaas ka sheegay in intii uu joogay Somaliland uu wax badan oo aanu hore u ogayn haatan ogaaday, kuna faraxsan yahay joogitaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Arrin kale oo labada geesood isla soo qaadeen waxay ahayd sidii loo dedejin lahaa xafiiska Xoghaynta ee Somaliland ee dalka Turkeyga xafiiskaas oo qaabilsan wadahadalada ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Munaasabada waxa joogay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debeda, Mowleed Mohamed Ibrahim iyo Safiirka Somaliland u magcawday dalka Turkeyga, Ali Ahmed Osman, oo la filaayo in uu dhowaan ka hawl galo dalka Turkeyga
\xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com