Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Khubaradda dhanka Beeraha ee Somaliland ayaa sheegaya inaannu sanadkan dalaga beeruhu si wanaagsan u bixin, roobabka oo yaraa awgeed, Daaqa kale ee xooluhu cunaanna la mid ahaa, isla markaana cunto badan oo xooluhu Jilaalka kaga bixi karaan aanu di’in.

Yaraanta Roobabkii Guga ka da’ay Gobollada Somaliland iyo Geeska Afrika inteeda badan ayaa sababay in durba la dareemo abaar iyo biyo yaraan soo foodsaartay deegaamo badan oo xeebta ah iyo kuwo gobollada galbeedka ku yaalla.

Deegaamo ka tirsan Xeebaha Goboladda Saaxil iyo Selel iyo kuwo ka tirsan Gobolka gabiley ayaa bishan horaanteedii laga soo sheegay Abaaro iyo biyo la’aan, waxaanay dadka deegaan oo hadlay iyo warbixino Warbaahintu baahisay muujinayaan in bilaha soo socda xaaladu sii adkaan karto hadaan raxmaad eebbe la helin.

Khubarada Beeraha

Khubaradda dhanka Beeraha ee Somaliland ayaa sheegaya inaannu sanadkan dalaga beeruhu si wanaagsan u bixin, roobabka oo yaraa awgeed, Daaqa kale ee xooluhu cunaanna la mid ahaa, isla markaana cunto badan oo xooluhu Jilaalka kaga bixi karaan aanu di’in.

“durba iyadoo xagaagii Bishii hore la galay, waxa muuqata cunto yaraan, sababto waxa weeye roob fiicani sanadka muu di’in, beeruhuna sidii hore umay bixin, markaa taas ayaa keenaysa cunno yaraanta”sidaas waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah dadka Culuubta beeraha bartay oo Hargeysa ku sugan.

Xukuumadda Somaliland

Wasaaradda beeraha Somaliland ayaa  sanadkan markii gugu curtay Bulshada ugu baaqday inay ka faa’idaystaan biyaha roobka, isla markaana waxsoosaarka beeraha xoojiyaan, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaraddaas Sacad Muuse Cabdi.

“Wasaaradda Beeruhu waxa ay dadweynaha Reer Somaliland ugu baaqaysaa inay ka faa’iidaystaan Roobka iyo Raxmaadka ILAAHEY (SW) inoo shubay oo aynu ugu mahadnaqno baryadii uu inaga aqbalay iyo Raxmada uu inoo shubay inaga oo ugu mahadnaqayna inaynu ka faa’iidayso Biyaha roobka oo aynu wax-soo saar iyo tacab aynu beeraheena kala soo baxayno wixii aynu cuni lahayn, isla markaana dedaal u galno  sidii aynu u kaydsan lahayn biyaha roobka  una samaysan lahayn goobihii lagu kaydinayey”ayuu yidhi.

Guga oo wakhti dambe curtay

Yaraanta biyaha ee roobka ayaa ka dhalatay, kaddib markii gugu curtay wakhti dambe oo bishii May lagu jiray, iyadoo roob doon qaran dalka laga tukaday dalka oo dhan bishii April.

Ma muuqdo qorshe qaran oo ay hay’addaha Dawladda u qaabilsan ka hortaga masiibooyinka dabeeciga ahi soo bandhigeen, wallow ay jirto guddi qaran oo xaaladaha abaaraha loogu talo galay oo sanadkii 2010 dalka laga sameeyay. Gudiddaasoo madaxweyne ku-xigeenku madax u yahay.

Abaaro ka jira Gobollo kale

Dhinaca kale, abaar ba’an oo saameysay nolosha xoolaha, ayaa ka jirta meello ka mid ah gobolada Koonfurta Soomaliya.

Deegaamada ugu daran ee xaaladda abaareed ka jirto waxa ka mida kuwo hoos yimaada Gobolka Gedo ee xadka ku yaalla, halkaasoo ay afartii sanno ee ugu dambeeyay ku soo noqnoqdeen abaaro baahsan oo nolosha saameeyey.

Ilaa iyo hada ma jiro wax gurmad ah oo la gaadhsiiyay dadka ku dhaqan Dhulkaasi, sida todobaadkan BBC-da u sheegay Wasiir ku-xigeenka Beeraha ee dawladda federaalka Soomaaliya.

Deegaamada qaar ayaa dadku ka qaxeen, iyadoo dhimashada xooluhu ay haatan bilaabantay, isla markaana qoysas badani caydhoobeen.

Saddex sanno ka hor ayaa gobolka oo dhan waxa ku habsatay Abaar laxaad leh oo dad iyo duunyoba saameysay, taasoo ay kumanaan qoys ku caydhoobeen Soomaaliya iyo Somaliland iyo dalalka kale ee jaarka intaba.

Qaramada midoobay

Qaramada midoobay ayaa todobaadkii la soo dhaafay soo saartay qaylo dhaan ku aadan abaarta iyo cunto yaraanta ka jirta Somaaliya, waxaanay ku baaqday in loo baahanyahay in xaaladan la waajaho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com