Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mashaariicda ugu badnayd ee laga fuliyo muddadii uu jiray dhaqaalaha Sanduuqaha Horumarinta Somaliland (SDF) oo dalal caalamka ka tirsan si toos ah ugu shubaan mucaawanada ay ugu talogaleen Somaliland, ayaa loo soo bandhigay bulshada si loogu tartamo fulintooda. War-saxaafadeed

Mashaariicda ugu badnayd ee laga fuliyo muddadii uu jiray dhaqaalaha Sanduuqaha Horumarinta Somaliland (SDF) oo dalal caalamka ka tirsan si toos ah ugu shubaan mucaawanada ay ugu talogaleen Somaliland, ayaa loo soo bandhigay bulshada si loogu tartamo fulintooda.

muuqaalka shirka iyo ka qaybgalayaasha

Shir muddo laba maalmood ah ka socday hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa (8 iyo 9-kii) bishan July ee 2014, waxa masuuliyiinta maamusha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee ay dhaqalahooda ku shubaan dalalka Ingiriiska, Norway iyo Denmark ay shirkado iyo ganacsatada kala duwan ee qaata qandaraasyada oo lagu casuumay u bandhigeen sharraxaad ku saabsan sanduuqa iyo mashaariicda kala duwan ee u diyaarsan in la fuliyo.

War-saxaafadeed laga soo saaray shirkaasi iyo mashaariicda loo bandhigay ganacsatada doonaysa

inay ka qaybgalaan fulintooda, kaas oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay waxa uu u qornaa sidan;

“Masuuliyiinta Maamulaya Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), ayaa kulan la yeeshay ganacsatada iyo shirkadaha qaata qadaraasyada fulinta u baahan.

Kulankan oo ka dhacay Hotel Ambassidor ee Magaalada Hargeysa taariikhdu markay ahayd 8 July 2014. Kulankan waxa ujeeddadiisu ahayd sidii ay ula socon lahaayeen dadwaynuhu Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF iyo sida hawlihiisu u socdaan.

Shirka oo uu furay hoggaamiyaha kooxda maamusha Sanduuqa Horumarinta Mr. Anthony Njue waxa uu dadka u soo bandhigay mashaariicda ilaa hadda dhammaatay ama diyaarka u ah fulinta iyo hay’adaha dawladda ee la siiyey si loogu bixiyo adeegyada ay qabanayaan, kuwaas oo kala ah Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Horumarinta Degaanka iyo Reer Guuraaga, Wasaaradda Khayraadka Biyaha, Wakaallada Biyaha ee Hargeysa, Wakaallada Waddooyinka Somaliland oo dhammaantood u furan in shirkadaha iyo ciddii ah ganacsato qandaraaslay ah.

Waxa kale oo ka qaybgalayaasha shirka loogu soo badhigay qaababka loo kala xulayo tarmayaasha soo codsada inay fuliso mashruuc iyo weliba shuruudaha qandaraaslayaasha madaxbannaan laga rabo in ay buuxiyaan iyo siyaabaha ay u soo codsan karaan, iyadoo ay dadka ka qaybgalay kulanku ay su’aalo ku saabsan arrimaha mashaariicda waydiiween masuuliyiinta oo gabi ahaan halkaasi ugaga jawaabay.

Wejiga labaad shirka oo dhacay 09 July 2014 waxa masuuliyiintu kulan la yeesheen urrurada waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee loo yaqaanno afka Ingiriisiga (LNGOs) iyo kuwa caalamiga ah (International NGO), waxaanna kulanka lagu naaqishay sidii xog looga kala qaadan lahaa halka ay marayaan howlaha Sanduuqa Horumarinta Somaliland, mashaariicda la sii daayey ee u baahan in la fuliyo iyo kuwa jidka ku soo jira ee la soo dayn doono.

Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh

Email: Info@sdf-secretariat.org, Attention. Team Leader/ Fund Manager,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi ka soo baxay masuuliyiinta maamulaysa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com