Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Badhasaabka gobolka maroodi jeex Maxamed Maxamuud Xaaji Jeeniyare ayaa maanta saxaafada uga waramay qaabka ay maal maha ciida oo suuqyada magaaladu camiranyihiin ay usugayaan nabada gelyada ciidamada boolisku

“Waxa weeyi waxa lagaga horatgayaa waanu kujirnaa waa hawlsocota waa arin aanu ku hawlanahay anaga iyo ciidanka Booliska, anigoo ciidanka Bilayska uga mahadcelinaya siday waajibkooda ugudanayaan oo markii horaba dadaali jiray maanta ay shaqadoodii sii libin laabatay oo 24-saacadoodba (afar iyo labaatanka saacadoodba ay noqotay) oo xili yadii hore ee ay shaqayn jireen shaqadii ka kor dhiyay”.

Badhasaabka gobolka maroodi jeex Maxamed Maxamuud Xaaji Jeeniyare ayaa maanta saxaafada uga waramay qaabka ay maal maha ciida oo suuqyada magaaladu camiranyihiin ay usugayaan nabada gelyada ciidamada boolisku isagoo sidoo kalana kawar bixiyay rag dhalinyaro ubadan oo rabshado ka sameeyay suuqa bacadlaha oo ay qaar qabteen.

Ugu horayna waxa uu badhasaabku isagoo ka jawaabaya su’aal ay warbaahintu waydiisay oo ahayd qaabka ay uga hortagayaan dhibaatooyinka ay maal maha ciida ku kacaan tuugtu uu kaga jawaabayjeena

Markaa way jiraan nimankaa yar yar oo dhalinyarada ah oo bilaabay inay dhibaateeyaan ama rabishaan dadka iibsanaya dharka iyo alaabta ciida ama meheradaha alaabta iibinaya iyo sidoo kale dadka jilicda sanba sidaa daraadeed ciidankii kahawl geli jiray magalaada waanu korshinay”.ayuu yidhi

Mar uu badhasaabku ka jawaabayay su’aal lawaydiiyay oo kusaab sanayd in ilaa imika ay ciidanku qabteen dad wax dhibaataynaya ayaa uu kaga jawaabay “haa way badanyihiin dad aanu uqabqabanay iyagoo rabshado wada waanay buuxaan , habeen walbana waanu qabanaa, waad aragteenoo meel wal oo lagu ganacsanayaba masaajidada iyo dariiqyadaba ciidanka Bilaysku iyagoo raxan raxan ah ayuu marayaa, niminka dhibaatada wadana waanu aqoonsanahay inta aanu qabanay mooyee inta kalana waanu qabanaynaa waanan kudaba jirnaa , maxkamada baananu horgayn doonaa haddii eebe idmo”.ayuu yidhi

Ugu dambayntiina waxa uu badhasaabku shacabka caasimada ugu baaqay inay nabada ilaashadaan wixii dhib wadana ay booliska lasoo socod siiyaan isagoo sidoo kalana ilaahay uga baryay umada sooman in ilaahay ka aqbalo soonka. ramadaantan ramadaanteeda kalana ku gaadhsiiyo caafimaad qab

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com