Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa dhinac iskaga leexiyey war ku soo baxay mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa.(WARSAXAAFADEED)

(MAANTASOMALILAND)Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa dhinac iskaga leexiyey war ku soo  baxay mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa.Warsaxaafeed uu soo saaray xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Ucid oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa u dhignaa sidan “Maanta oo ay Bishu tahay 23 July ,2014, waxa Xisbiga UCID  si toos u beeninayaa war aan Sal Iyo Raad toona  oo uu baahiyey wargeyska  SOMALILAND Today ee uu leeyahay Wasiirka Madaxtooyada dalka Xirsi Xaaji Cali  Xasan kaas oo uu Daacayado Raqiis ah ku Soo Baxay Cadadkiisii Maanta Wargeysku waxa uu  si qaawan oo runta ka fog ku sheegay in Waziirka Arrimaha Dibada Mr: Mohamed Bihi Younis  noqon doono Murashaxa Madaxwenaha Xisbiga UCID

 


ee Doorashada Soo socota, iyagoo aan wax daliil ah u ahayn, sheeginna xogta intaa le’eg cidda ay ka heleen.
Tan kale Murashaxa keliya ee Xisbiga UCID waa Aqoonyahanka JAMAL ALI HUSEIN, oo aanu Hubno in Uu So celin doono  rajadii Shacbiga Somaliland ka Qabeen in Mar uun Ummada Somaliland ka mid noqoto Dawladaha Caalamka isla markaana kor u so qaado Quusta la geliyey, iyadoo aan weli Ictiraaf Caalami ah loo helin, Hankii ay qabeenna uu ku dhex baaba’ay Nidaamka Dowladda Kulmiye ee Qabyaaladda, Eexda iyo Hanti Urursigu Madax maray

Xizbiga UCID waxa kaloo uu u arkaa in kooxaha u adeega Nidaamka Silaanyo, inay degayaan tabo iyo xeelado siyaasadeed oo ma dhalays ah, oo loola jeedo in lagu wiiqo wadajirka iyo kacdoonka isa soo taraya ee loogu diyaar garoobaayo doorashada soo socota iyo taageerada xad dhaafka ee Xisbiga UCID Uu Kasbaday Wakhtiyadi u Danbeeyey

Waxa kale Oo jariiradan loo samaystey in lagu weeraro wasiiro ka Tirsan xukuumada iyo xisbiga KULMIYE  sida Wasiirka Duulista Hawada, Wasiirka Arimaha Gudaha,Wasiirka Arimaha Debeda, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ,ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye 

Waxaa wax la,la yaabo noqotey in Xukuumadu ay ogolaato in wasiir ka mid ahi ku wareero,Wargeys (Somaliland Today ) kaas oo Lagu Naasnuujiyo Cashuurtii laga Ururiyey  Danyarta iyo hooyooyinka Bacadka fadhiya Wasiirada Kale, Saxaafadda kale iyo Xisbiyada Qarankaba

Ugu dambayn XIsbiga UCID, waxaan si cad u cambaaraynaynaa Qormadan uu soo saaaray Wargeyska Somaliland Today ee laga naas nuujiyo Madaxtooyada, ee ah rugta ugu weyn ee laga mijo xaabiyo Saxaafada Madaxa bannaan ee dalka JSL, Xisbigu waxa dhowaan uu magacaabi doonaa guddi soo baadha Wargeyska Somaliland Today Xadigga Maaliyadeed Ee Lagu Lunsado Wargeyskaa Somaliland Today 

 

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID

Yusuf Kayse C/laah

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com