Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa 35 xubnood oo iskugu jira siyaasiyiin iyo madax-dhaqameedka reer Somaliland ku soo casuumay xaflad balaadhan oo meher ah oo uu ku bixinayo gabadh uu dhalay oo uu ka soo doonay Wasiirka Waxbarashada ee xukuumadiisa.

Geelle

 

Madaxweyne Geelle waxa uu u soo diray 35-kan qof diyaarad gaar ah oo ay subaxnimadda beri kaga jarmaadayaan madaarka caasimadda Hargeysa, si ay isla berriba uga qeyb galaan xafladaas lagu soo marti-qaaday.

Siyaasiyiinta lagu marti-qaaday ee diyaaradan loo soo diray waxa ka mid ah Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, siyaasiyiin kale iyo salaadiin iyo madax-dhaqameed kala duwan.

Waxa iyaguna hore ugu sii sugnaa  Jabuuti oo lagu marti-qaaday Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI  Md. C/Raxmaan  Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI  xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

 

Sidoo kale waxa la sheegay in marti-qaad noocan oo kale ahi uu madaxweynaha Jabuuti u diray masuuliyiin ka tirsan Puntland, Soomaliya iyo dawlad deegaanka soomaalida itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com