Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Boqor Cismaan aw Maxamud Buurmadow oo kasoo laabtay socdaal uu ku tegay Magaaladda Buuhoodle ayaa ka hadlay dedaalo uu sheegay in uu iskii isugu xilqaamay kuwaasoo uu ku doonayo in nabad iyo wadahadal lagu dhameeyo colaada ka jirta deegaanadda Saax-dheex iyo Buuhoodle ee gobolka sool.

Boqor Cismaan aw Maxamud Buurmadow oo kasoo laabtay socdaal uu ku tegay Magaaladda Buuhoodle ayaa ka hadlay dedaalo uu sheegay in uu iskii isugu xilqaamay kuwaasoo uu ku doonayo in nabad iyo wadahadal lagu dhameeyo colaada ka jirta deegaanadda Saax-dheex iyo Buuhoodle ee gobolka sool.
Boqor Buurmadow oo shalay saxaafadda ugu Waramay Magaaladda Hargeysa ayaa Ka hadlay Kulamo uu la soo qaatay odayaasha iyo Madaxdhaqameedka reer buuhoodle iyo Siyaasi Cali Khaliif Galaydh waxaanna uu sheegay inay ka wadda hadleen arrimaha nabad galyadda iyo wada noolashaha dadweynaha deegaanadaasi.
Boqor buurmadow ayaa sheegay in dagaalada dhawaanaha kasoo cusboonaaday deegaanadda gobolka sool ay sii kala fogeeyeen shacabka walaalaha ah ee deegaanadaasi ku dhaqan waxaanna uu sheegay inay haboon tahay in arrimahaasi lagu dhameeyo hadal iyo nabad.
Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow Wuxuu sheegay inay wada xaajoodkooda wax badani ku xidhan yihiin dhinaca xukuumadda maadaama dalkani uu leeyahay maamul dowli ah waxaanna uu sheegay inay arrimaha tabashooyinka iyo wadahadaladdaba u Bandhigi doonaan Madaxweynaha Somaliland marka uu Dalka kusoo laabto.
Boqor Cismaan aw Maxamud Buurmadow wuxuu sheegay inuu ka Madax dhaqameed ahaan ay doorkooda ku aadan Xalinta Khilaafaadka ay ka qaadan doonaan arrimahani balse wuxuu sheegay in aanay xalku ku jirin ciidan iyo awoodo la dhul dhigo Dadweynaha deegaanadaasi balse la tixgaliyo Nabadda iyo wadahadalo lala yeesho dadka deegaanka.
Hadalka Boqor Buurmadow ayaa ku soo beegmaya Xilli Xukuumadda Somaliland ka daashay Gogoshii Nabadeed ee ay u fidisay Waxgaradka, Madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Deegaanada Sool iyo Sanaag Barri, kuwaas oo ka door biday inay iyagu sababaan Gulufkii ay Somaliland dhawaan ku qaaday, kadib markii ay Somaliland gudaheeda ka yagleeleen maamul ku lidi ah Somaliland.
Boqor Buurmadow iyo Madax dhaqameedka kale ee Somaliland marnaba kumay Guulaysan inay ku qanciyaan Madax dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta Goboladaasi inay Miiska soo fadhiistaan, iyadoo sida uu sheegay wax badani ku xidhan yihiin xukuumadda, hadana talooyinka uu soo jeedinayaa ma muuqdaan inay xilligan xal keeni doonaa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com