Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Diyaaradda Air Algerie oo ay leedahay Shirkadda Spanish-ka ah ee SwiftAir ayaa ku burburtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Burkina faso. Diyaaradda ayaa siday 110 Qof oo Rakaab ah iyo 6 qof oo ka mid ah Shaqaalaha diyaarada.

Diyaaradda Air Algerie oo ay leedahay Shirkadda Spanish-ka ah ee SwiftAir ayaa ku burburtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Burkina faso. Diyaaradda ayaa siday 110 Qof oo Rakaab ah iyo 6 qof oo ka mid ah Shaqaalaha diyaarada. Waxay ka soo duushay Caasimada Burkina Faso Ouagadougou, iyadoo ku sii jeeday Caasimada Algeria ee Algeries.

“110, Rakaab ah iyo 6 hawl wadeenada Diyaaradda ah oo 4 ka mid ahi yihiin Pilots ayaa Diyaaradda Saarnaa. 6-da Hawl wadeen ee Diyaaradda ayaa u dhashay Spain”ayay ku sheegtay Qoraal ay soo saartay Shirkadda Spanish-ka ah ee Swiftair.

Diyaaradda ayaa la waayay, aroornimadii Khamiista ka dib markii khadka isgaadhsiintu ka go’ay 50 Mirir ka dib markii ay ka soo duushay Burkina Faso, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Duulimaadka.

Wasiirka Gaadiidka ee Burkina Faso ayaa sheegay in Fariintii u dambeysay ee Diyaaraddu dirtay ay u dirtay Niger si loo bedelo Khadka ay ku socotay, sababo la xidhiidha Roob culus oo ka da’ayay.

“Waxaan kuu Caddayn karaa inay Diyaaraddu Burburtay” ayuu Wakaaladda Reuters u sheegay Sarkaal ka tirsan Waaxda Duulimaadyada Algeria. Waxa uu ka gaabsaday meesha ay ku burburtay iyo sababta ay u burburtay, hase ahaatee warbaahinta qaar ayaa sheegay inay Hawadu xumayd, halka qaar kalena sheegayaan in Diyaaradu soo dulmartay Dalka Maali oo Rabshado ka jiraan Suuro gala ay tahay in la soo riday.

Rakaabka Saarnaa Diyaaradda ayaa u kala dhashay: 50 Faransiis ah, 24 Burkina Faso u dhashay, 6 Lubnaan u dhashay, 5 Canada u dhashay, 4 Algerian ah, 2 u dhashay Luxemburg, 1 Swiss ah, 1 Nigerian ah, 1 Cammeroon u dhashay iyo mid u dhashay Mali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com