Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hal qof oo ku dhintay Israsaasayn dhex martay Askar Milateri ah

Israsaaseyn dhex martay Ciidamo ka tirsan Milateriga Somaliland iyo Dad lagu sheegay rayid ayaa sababtay dhimashada Hal qof oo la sheegay inuu Ciidanka Naafada Qaranka ka tirsanaa.

Dhacdadan oo ka dhacday shalay Meel dhinaca Bariga kaga beegan Magaalada Hargeysa ayaa waxay salka ku haysaa muran dhul.

Ninka dhintay ayaa la sheegay inuu doonayay inuu goob ay isku haystaan Ciidanka kale dhisto, taasoo ay askartu ku soo weerartay, kaddibna israsaaseyni dhex martay.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa maantasomaliland u sheegay in israsaaseyn xoogani dhex martay askarta iyo ninka kale ee dhintay oo ay koox kale taageeraysay.

Maydka Ninka dhintay ayaa la keenay Cisbitaalka guud ee Hargeysa, sida ay Saraakiisha Caafimaadku MAANTASOMALILAND u sheegeen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Bilayska oo dhacdadan la xidhiidhaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com