Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dhalinyaro Iyo Waxgarad Ka Soo Jeeda Degmooyinka 31 May Iyo Axmed Dhagax oo Ka Digay Halista Ka Iman Karta Dhul Masuuliyiin Xukuumadda Ka Tirsani Awood Kaga Qaadeen Qoyskii Lahaa daawo

news
Dhalinyaro Iyo Waxgarad Ka Soo Jeeda Degmooyinka 31 May Iyo Axmed Dhagax ayaa si adag uga hadlay dhul masuuliyiin xukuumadda somaliland ka tirsani qaab shaadh dawladeed ah uga qaadeen qoyskii lahaa

dhulkan oo ku yaala haayadda shaqaalaha dibadeeda islamarkaana laga dhigay xarunta ciidanka dambadiska ayaa masuuliyiin ay kamid yihiin wasiiradda daakhiliga, diinta iyo awqaafta taliyaha booliska iyo maayarka hargeysi awood dawladeed kaga qaadeen qoyskii lahaa

dhalinyaradda iyo cuqaashan ka soo jeeda deegaamadan ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay halista ka iman karta dhulkaas hadii aan si degdeg ah xukuumaddu wax uga qaban

qoyska dhulkan leh oo lagu magacaabo ilma cali muuse ayaa iyagu sheegay inay lahaanshaha dhulkan u haystaan sharci dawladeed, waxaanay sheegeen in masuuliyiinta kor lagu soo xusay qaab awood dawladeed ah u adeegsadeen sidii ay dhulkan uga qaadi lahaayeen

cuqaashan iyo dhalinyaran soo saaray baaqan ayaa ugu dambayntii ugu baaqay masuuliyiinta sarsare ee dawladda inay arintan degdeg faraha ula soo galaan, kahor inta aanay wax rabshad ahi ka dhicin goobtaas

dhulkan qoyskan laga qaaday ayaa ah goob dhawaan wasiiro xukuumadda ka tirsani xadhiga kaga jareen xarunta damdamiska ee hargeysa balse markii wasiiradani xafladii xadhig ka jarista ka hadlayeen ayaa marqudha muuqaalka wasiiradii hadlayay laga dhex arkay muwaadiin leh dhulkan anagaa leh oo xoogbaa la rabaa in lanagaga qaado balse nasiib darro masuuliyiintii xadhig ka jarista damdamiska ka hadlayay ayaa amar ku bixiyay in la xidho muwaadinkii sheeganayay dhulkaas

Halkan hoose ka daawo waxa maalintaas xadhiga laga jarayay xarunta dabdamiska ee qoyskan laga qaaday
dhacay
XIGASGHO BALIGUBADLE MEDIA