Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

War Qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranka Somaliland ee Degaanka Saax-dheer ku sugan Gacanta ku dhigeen Gaadhigii Cali Khaliif Galaydh.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranka Somaliland ee Degaanka Saax-dheer ku sugan Gacanta ku dhigeen Gaadhigii Cali Khaliif Galaydh.

Warka Qoraalka ah oo laga baahiyay Idaacadda Radio Hargeysa ayaa lagu yidhi “ Cutub-yada CIidanka Qaranka Somaliland eek u Sugan Aagga Saax-dheer waxay Gacant ku dhigeen Badhtamihii Xalay Gaadhigii Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh, iyadoo Ilaaladiisuna Saaran tahay. Tani waxay digniin u tahay Dagaal Ooge Kasta”.

Warkan oo uu ku saxeexnaa Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan(Shaqalle) ayaan lagu Caddayn in Gaadhiga la qabtay uu la socday Cali Khaliif Galaydh iyo in kale.

Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo Ciidanka Waajibaadkooda Qaran ee ay guteen.

Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah Hogaamiyeyaasha Kooxda Khaatumo ayaa mudooyinkii u dambeeyay dhuumaalaysi ku jooga Degmada Saax-dheer ka dib markii Taleex Ciidanka Qaranka Somaliland ka saaray

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com