Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay salaadii jimcaha waxa uu dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukaday masaajidka Quba ee xaafadda Xawaadle ee Magaaladda Hargeysa.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo aan wadan wax ilaalo ahi waxa salaadii jimcaha ka dib gacan qaadayay dadweyne tiro badan oo ka mid ah dadweynihii ku tukanayay masaajidkaasi.

Imaamka Masaajidka Sh. Aadan Xaaji Muxumed Xiiray (Aadan Siirro) ayaa khudbadii Salaada Jimcaha waxa uu tafaasiil kaga bixiyay sida diinta islaamku u waajibisay bixinta sakadda oo ah taar dhaqaale oo kor loogu soo qaadayo nolasha dadka masaakiinta ah, waxaanu dadweynaha ku guubaabiyay inay maalkooda ka bixiyaan qadarka sakadda ee ku waajibtay.

Tallaabadda madaxda sare ee qaranku ay shacbiga kula tukanayaan masaajidada iyagoo aanay la socon wax ilaalo ahi waxay ka turjumaysaa nabad-gelyadda cagaha adag ku taagan ee ka jirta Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com