Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

laba dumar ah oo Soomaali Maraykan ah iyo sadex ruux oo kale oo aan dhalashadooda la shaacin ,ayaa maanta lagu riday xukunno xadhig adag ah dalka Maraykanka

laba dumar ah oo Soomaali Maraykan ah iyo sadex ruux oo kale oo aan dhalashadooda la shaacin ,ayaa maanta lagu riday xukunno xadhig adag ah dalka Maraykanka ka dib markii lagu eedeeyay in ay lacago u direen kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Labada gabdhood ee Soomaalida ah ee haysta dhalashada Maraykanka ayaa kala ah Muna Cismaan Jaamac oo 34-sano jir ah iyo Hinda Cismaan Dhiirane oo 44-sano jir ah ,waxaana ay kala degenaayeen Reston iyo Kent oo ka wada tirsan dalka Maraykanka .

Xukunka ay Muna maxkamaddu ku ridday oo gaadhaya 20 sano ayaa ka dhacay maxkamada ku taalla Alexandria,halka Hinda ay iyadana ka soo muuqatay maxkmad ku taalla Seattle ,waxaana Jaamac oo ah sayga Hinda oo la hadlay King Tv uu meesha ka saaray eedaymaha loo haysto xaaskiisa.

“FBI-da ayaa afartii subuxnimo ,iyaga oo wata 10 baabuur xoog u soo garaacay albaabka gurigayga ,waxaana iga sasay caruurtii hurudday,“ ayuu yidhi Jaamac oo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay arintan.

Waxaa dowladda ay ku soo eedeysay dumarkan in bishii labaad ee sanadkii 2011-kii, ay labaduba direen lacago ay ku taageerayaan ururka Al-shaabab, iyaga oo mar-marsiyo ka dhiganaya in lagu caawinayo dadka masaakiinta ah sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda .

Sidoo kale, laamaha danbi-baarista reer-galbeedka ayaa xiray maalinimadii shalay ahayd Farxiya Xasan oo kamid ahayd Soomaalida ku nool Netherland, halka Farodowsa Jaamac Iyo Bariira Hassan la sheegay inuu u baxsadeen Kenya iyo Soomaaliya midkood.

Ugu danbayn, dowladda Maraykanka ayaa ururka Al-shabaab u aqoonsatay argagaxiso sanadkii 2008-da ,waxaana jira lacago la dul dhigay madaxda qaar kamid ah hogaamiyayaasha ugu sareeya ururkaas sanado ka hor.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com