Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ehelada Mujaahid Sheekh Bashiir, Aqoon yahann iyo Dhalin yaro ka soo jeeda Burco ayaa Golaha degaanka ee Burco ku Eedeeyay inay Iibisay Garoonka Sheekh Bashiir ee Kubada BasketBall-ka ee Burco.

burcoGaroonkan oo loogu Magac daray Halgamaa Sheekh Bashiir ayay si adag uga soo horjeesteen Tafiirta Sheekh Bashiir iyo waxgarad Reer Burco ah.

Qoraa Axmed Aadan Maxamuud(Sakatuuri) ayaa sheegay in Golaha degaanka la filayay in lagaga raysto kuwii hore balse ay ka daran yihiin “Waxaan halkan ka Cambaaraynaynaa Golaha degaanka Burco, Golahaas oo la islahaa wuxuu dhaamayaa Golihii hore, iyo Maayarkii hore, balse waxay noqodeen Bahalka Jinac Duulaha oo wax walba cuna, haddii uu waxba waayana Dhagax iyo Ciida qanqaniina” ayuu yidhi Qoraagu.

Bashiir Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo ka mid ah Tafiirta Sheekh Bashiir ayaa Arin Fool Xun ku tilmaamay Iibinta Garoonkaasi, taasi oo lagu tirtirayo Raadka dadkii dalkan wax soo taray “ Waxaa Ayaan daro ah Garoonkii labaad ee Burco lahayd in Golihii degaanka ee aanu Codka ku soo saaray, iyagii baabi’iyaan u Iibsadaa. Runtii Arintaasi waa Arin fool xun” ayuu yidhi Bashiir.

Wax garadka iyo Ehelada Sheekh Bashiir ayaa marar hore ka hadlay Garoonkaasi oo la sheegay in Dawladda hoose ee Burco ka Iibinayso Ganacsato. Dawladda hoose ayaan faahfaahin ka bixin sababta dhulkaasi danta guud ah loo iibinayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com