Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo maanta ayaa waxa uu ka hadlay sida ay ciidanka boolisku amaanka u adkeyeen inta lagu gudo jiro maal-maha ciida ee aroorta ka bilabmaysa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo maanta ayaa waxa uu ka hadlay sida ay ciidanka boolisku amaanka u adkeyeen inta lagu gudo jiro maal-maha ciida.

Sidoo kale waxa uu taliyuhu faray ciidanka taraafikada oo kacan ka helaya ciidanka dawlada hoose in ay sharciga waafajiyaan baabuurta sida khaldan ugu xad gudba sharciga.

waxa kale uu ciidanka booliska jamuuriyada somaliland ku Amray in ay si aad ah u adkeyeen inta lagu gudo jiro maal-maha farxada amaanka shacabka somaliland.

Ugu horayn Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo ka hadlaya sida ay ciidanku ugu diyaar garoween adkaynta amaanka

maal-maha ciida ayaa waxa uu yidhi”

“waxa fooda inagu soo haysa ciidul fidrigii,waxaana daba yaaqo ah bishi ramadaan,waxaanan ilaahay ka rajaynayaa inuu nabad qab iyo wanaag inoogu dhameeyo,intaas markaan kasoo gudbo,ciidanka jamuuriyada somaliland waxa uu dhamaan heegan buuxa ugu jiraa ilaalinta nabad galyada qaranka somaliland si ay bulshadu ugu nalooto nabad iyo wanaag.

Taliyaha ciidanka booliska waxa uu fariin u diray bulsho wayn ku dhaqan somaliland taas oo ku adkeeyey in ay ciidanka la shaqeyeen nabada galyadana ilaashadaan waxaana uu yidhi”

“waxaanan halka bulshada somaliland uga dirayaa fariin ah in ay ciiddanka bilayska la shaqeyaan sidii horeba looga bartay,dhamaan gobolada iyo degmooyinka jamuuriyada somaliland ciidank boolisku waxa ay ku jiraan heegan buuxa.

Dhinaca kale waxa uu ka waramay amaanka caasimada magaalada hargaysa iyo sida ay ciidanka ugu heelan yihiin in ay dadkooda iyo dalkooda u shaqeyaan waxaan uu yidhi”

“Hadaan tusaale usoo qaadato waad arkaysaan in ciidanka hadh iyo habeen ay taagan yihiin dariiq walba waxaasni waa sidii ay cadawga fad-qalada wada uga hortagi lahayeen,waxaanada wadooyinka ku arkaysaa gawaadhida 999KA iyo gawaadhida maxaabiista la saaro oo iyaguna u taagan sidii tuugta loogu guri lahaa.

sidoo kale waxa uu wadayaasha baabuurta usoo jeediyay in maalmaha ciida gawaadhida lagu arka baarkinada khaladka ah ciidanka talaabo ka qaadi doonaan kuwaas oo ku booriyay in fariintaas ay qaataan waxaana uu yidhi”

“Gawaadhida ay leeyihiin shacabka waxaan usoo jeedin lahaa inta aynu ku jirno maal-maha ciida gaadhiga lagu qabto isaga oo yaala baarkin khalad ah in talaabo laga qaadi doono,ciidanka taraafikada oo kacan ka helaya ciidanka dawlada hoose waxaan halka ka farayaa in cid kasta oo sharciga ku xad gudubta ay talaabo ka qadaan,waxaanan leeyahay shacabka sidaanu horeba idiinka barangay gacmo wada jir ayay waxa ku goyaane hawshiina dhankiina amaanka ka suga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com