Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha madaxweynaha ayaa tukashadii salaada ciida kala qayb galay dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa

madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha madaxweynaha ayaa tukashadii salaada ciida kala qayb galay dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada,maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa, badhasaabka gobolka maroodi jeex iyo masuuliyiin kale ayaa salaadii ciida shacabka caasimada kula tukaday masjid jaamaca weyn ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu hanbalyo u diray guud ahaanba dadka islaamka ah ee u dabaal dagaya munaasibada ciidal fidriga, waxaanu ka hadlay xaaladihii kala duwanaa ee uu qarankani soo maray, isaga oo fariin u diray xisbiyada mucaaridka ah.

Ugu horayn madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ahna ku simaha madaxweynaha oo hanbalyeynaya dadka muslimiinta ah iyo shacabka Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Maanta oo ay ku beegan tahay munaasabadii ciidal fidriga waxaan hanbalyo u dirayaa dhamaan umada islaamka ah gaar ahaana shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba iyo ciidamada qaranka waxaanan leeyahay hanbalyo, kuna ciida caafimaad bash bash iyo barwaaqo waxaanan ilaahay ka rajaynayaa inuu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad iyo nabad qab.” Ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay xaaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray, isaga oo shacabkana ugu baaqay inay gacmaha isku qabsadaan horu marka dalka iyo ilaalintiisa waxaanu yidhi “Mudo 23 sanadood ah ayuu qarankani soo jiray dedaal adag ayuu soo galay, gacmihiisana wuu isku taagay isaga oo aan wax taageero ah ka helin caalamka, walina waxa inoo dhiman waddo dheer oo ah himilada aynu higsanayno ee ah inaynu gaadhno qaran madax banaan, taasina waxay ku imanaysaa dedaal dheer, wada jirkeena, wax wada qabsigeena iyo inaga oo dhinac u wada jeedsana, iyada oo umada Somaliland ay leedahay cadaw badan, walaalaheena somaliyeed ee aynu ula tagnay calankii aynu qaadanay 26 june waa dadka koowaad ee ka xun in qaranimadaas aynu samaysanay ay taam inoo noqoto, maadaama oo cadawgeenu badan yahay waxaa loo baahan yahay inaynu si wada jira gacmaha isku qabsano oo maskaxdeena iyo muruqeena aynu ku soo dhisnay dalkeena aynu sii wadno.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin gaadhsiiyey xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay xisbiyada mucaaridka ah, ilaahay waxa uu inoo sameeyey iimaam haddii ay wax ka qaldamaana waxa laynoo jideeyey edaab aynu ku saxno oo subxaana laah ayaa la yidhaahdaa ,bina aadanka inta hawsha haysaa qabyo way jiri, dhaliili way jiri, qof hawl hayana wax way ka qaldani doonaan laakiin edaabta toosinta yaan laga tagin oo subxaana laah ha lagu adkaado oo mucaaridnimadu yaanay inaga noqon in wixii kor loo qaadaba la mucaarido.” Ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Saylici.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com