Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland ayaa si balaadhan looga Oogay Salaadda CIidal Fidriga, iyagoo kumanaan dad weyne ahi iskugu soo baxeen Goobaha Salaadda lagu tukado Xiliyadda Ciida.

Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland ayaa si balaadhan looga Oogay Salaadda CIidal Fidriga, iyagoo kumanaan dad weyne ahi iskugu soo baxeen Goobaha Salaadda lagu tukado Xiliyadda Ciida.

Gobolada iyo Degmooyinka ayaa si nabad galyo ah ay Dadweynuhu uga Ciideen sida ay ku soo waramayaan Wariyeyaasha Gobolada. Waxaan Shacabka kala qayb galin sanadkan Wasiirada, XIldhibaanada iyo Masuuliyiinta kale oo inta badan Xukumaddu u diri jirtay Gobolada si ay Dadweynaha ula tukadaan.

Magaalada Hargeysa ayaa si balaadhan looga Tukaday Salaadda Ciida, sidoo kalena Bulshadu iskugu soo baxday Jidadka iyo Goobaha Salaadda lagu Camiro, iyagoo iskugu hambalyaynaya Salaadda Ciida. Madaxweyne Xigeenka ayaa Masjid Jaamaca weyn kula tukaday Dadweynaha. Waxa kale oo Wasiiro iyo XIldhibaano kula tukadeen Shacabka Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium.

Magaaladda Burco ee Caasimada Gobolka Togdheer ayaa iyana si balaadhan looga Tukada Salaadda, sidoo kalena looga dareemayay Astaamaha Ciida iyo Dadka Farxadda isku qaabilaya. Masuuliyiinta Gobolka ayaa dadkii ugu badnaa kula tukaday Garoonka kubadda Cagta ee Alamsay.

Sidoo kale Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa si weyn looga Ciiday. Masuuliyiinta Heer Gobol ee Saaxil ayaa Shacabka la tukaday. Waxaana CIida looga Oogay si nabad galyo ah. Masuuliyiinta Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka ayaa ka digay Dhalin yaro Dalxiisa oo dhaqan xumo ka sameeya Berbera xiliyadda Ciidaha, kuwaasi oo Badda u dalxiisaya.

Xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa sidoo kale ka mid ah Meelaha sida balaadhan looga Ciiday. Gudoomiyaha Gobolka iyo Masuuliyiinta kale ee Sanaag ayaa Salaadda Ciida kula tukaday Shacabka Fagaaraha kubadda Cagta ee Daalo Stadium.

Sidoo kale Magaalada Boorama ee Xarunta Awdal, Laascaanood iyo Magaalooyinka kale ee Waaweyn ayaa sidaasi si lamid ah looga tukaday Salaadda Ciida.

Culimada iyo Madaxda Gobolka ayaa dadka u jeediyay KHudbado iskugu jira Wacdi Diini ah, Duco iyo Hadalo dardaaran ah oo ku aadan wada jirta iyo umada somaliland horu socodkeeda

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com